13.4 C
London
Wednesday, October 8, 2025

Magaalada Beledweyne oo la mid noqotay Jasiirad biyuhu dhex jiifaan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Magaalada oo xaalad adag sii gashay xili wali biyuhu ku sii socdaan


Axad, November 12, 2006 (HOL):
Marka aad kor ka eegto magaalada B/weyn oo xarun u ah Gobalka Hiiraan xiligan waxaa la oran karaa  Waa jasiirad dhamaanteed ay biyuhu dhax jiifteen, kadib markii 24 saac ee la soo dhaafay  Guud ahaan magaaladu ay simeen biyaha ku soo fatahaya.

 Ma jirto Xaafad Xaafad kale dhaanta cid kasta oo ku dhaqan gudaha magaaladana xiligan waa mid ku fakareysa  halkii ay Maciinsan laheyd Maadaama xitaa hada buyhu ay bilaabeen in ay kala jaraan Laamigii dheeraa ee bartamaha magaalada,

 

Marka aad dusha sare ka eegto Guryahii ku yiilay xaafadaha Qaar  waxaa kuu soo baxaya in buyuhu dhulka ka sareeyaan  (1.60)  (hal Mitir iyo Lexdan)  meelaha qaarna biyahu waxaa ay dhulka ka sareeyaan Ilaa  (2 Mitir)   waxaa iyana jira Guryo badan oo horay u sii Raacay biyaha aan kala Go’a

laheyn ee ku socda gudaha magaalada,

 

Heer quus ah ayeey marxaladu mareysaa, waxaana Faras magaalaha laga bilaabay in laga raro dhamaan  hantidii tiilay,  gaar ahaan goobaha ganacsiga oo kan ugu weyn iyo kan ugu yar xaaladu ay si siman u sameysay,

 

Dadka isaga baxaya magaalada oo nin walba wixii uu heli karay ku raray  Qoyskiisii  ayaa waxaa ay Quus ka taagan yihiin  hada  mariinka wada Laamiga ah oo ay biyuhu jareen, kuwii gadiidka heli karayna waxaa laga mam nuucay in ay dul maraan  Buunto yar oo ku taal bartamaha laamiga oo ah halka kaliya ee maanta dadka Reer B/weyn u furan,

 

Waxa kaliya ee hada laga fikirayo marka aad dadka la sheekeysato ma’aha xaalada taagan ee waxaa ay tahay sidii magaalada looga saari lahaa wax yaabaha ku harsan taasoo kuu muujineysa in magaalda oo idil laga rajo  dhigay,

 

Ciidamada maxkamada islaamiga oo tan iyo Markii ay biyhu bilaawdeen howlo adag hayay ayaa hada ku mashquulsan ilaalinta  Buundooyinka magaalada oo laga yaabo in baabuurtu jaraan.

 

sidoo kale ciidamadu waxaa ay siweyn idhaha ugu hayaan amaanka dadka isaga baxay magaalada oo laga yaabo in ay ku dhax dhuuntaan kooxo burcad ah maadaama  meel banaan ah la wada jiifo.

 

Dhinaca ha’adaha samafalka xiligan warkooda lama hayo oo waxaa la oran karaa dhinacooda ayeey Masiibadu ka sameysay,  waayo waxaa ay kala baxayaan Guryihii u kireysanaa wixii qalab ah ee u dhax-yiilay Qaar koodna biyaha ayaaba dhax jiifa.

 

Xarunta Gobalka Hiiraan ee Magaalada B/weyn si kastoo wax looga qoro waxaa la oran karaa uun ma’aha magaaladii la yaqiinay, dadka  arimahan fatahaadaha aqoonta u lehna waxaa ay kuu sheegayaan in arintani  Biyo baxadii la yaqiinay ay ka badan yihiin marka loo eego tii 1997 oo biyuhu aysan sidan u xoog badneyn.





C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).