13.4 C
London
Wednesday, October 8, 2025

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalkii saakay ka qarxay Deegaanka Bandiiradley ee gobolka Mudug

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, November 12, 2006(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degaanka Bandiiradley ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in uu saakay aroortii halkaas dagaal ku dhexmaray ciidamo ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka iyo kuwo u daacad ah Maamul goboleedka Puntland, sida uu shaaca ka qaaday Afhayeenka Maxkamadaha Islaamka ee Gobollada Dhexe.

 

Afhayeenka oo lagu magacaabo Maxamed Maxamuud Cagaweyne ayaa sheegay in ay saakay aroortii weerar ku soo qaadeen ciidamo ka yimid Puntlnad oo ay la socdeen sida uu yiri kuwo Itoobiyaan ah, wuxuuna sheegtay in ay guul ka gaareen dagaalka, isla markaana ay ciidamadii weerarka ku soo qaaday u ceyrsadeen dhinaca Itoobiya.

 

Cagaweyne, wuxuu kaloo sheegay in ay haatan ciidamada Maxkamadaha Islaamka ka taliyaan deegaanada Gelinsoor, Dagaari, Bandiiradley iyo Tuulo Xalaal deegaanadaas oo ay horay looga hor istaagay Ciidamada Maxkamadaha in ay tagaan

 

Dagaalkan oo ahaa sida wararka aan ku heleyno mid xooggan ayaaney ilaa iyo haatan soo bixin khasaaraha uu geystay marka laga reebo in ay Dhinaca Maxkamadaha sheegteen in ay jab u geysteen ciidamada ka soo horjeeday. Ilaa iyo haatan ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Maamulka Puntland oo ku saabsan in ay saakay weerar ku qaadeen ciidamada Maxkamadaha, isla markaana dagaalka lagu jebiyay.

 

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray dagaalka saakay ka qarxay Bandiiradley ayaa waxay sheegayaan in Maxkamadaha Islaamka ay ku sii siqayaan Magaalada Gaalkacyo oo haatan la leeyahay waxay u jiraan 20km, inkastoo ay jiraan warar kale oo sheegaya in ay iyaguna Magaalada Gaalkacyo soo gaareen ciidamo iyo gaadiid dagaal oo ka yimid dhinaca Garowe, kuwaasi oo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in uu horkacayo Madaxweyne Jen. Cadde Muuse Xirsi.

 

Dhinaca khasaaraha dagaalka haddii aynu soo hadal qaadnana waxay Maxkamadaha Islaamka sheegteen in ay labo Taangi ka qabsadeen Ciidamada Itoobiya, waa sida uu sheegayo Xoghayaha Warfaafinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh C/raxiin Cali Muudey oo sheegay in uu xiriir la sameeyay halka uu dagaalka ka socdo.

 

Sidoo kalena waxay warar aan si rasmi ah loo xaqiijin balse isa soo taraya ay sheegayaan in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo labada dhinac soo kala gaaray, walow dhinacyada dagaalka u dhaxeeyo ay ka gaabsaneyso in ay sheegto in khasaare ka soo gaaray Dagaalka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).