13.4 C
London
Wednesday, October 8, 2025

Dagaal saakay ciidamada maxkamadaha Islaamka iyo kuwa Maamulka Puntland ku dhexmaray Bandiiradley

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, November 12, 2006(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degaanka Bandiiradley ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in uu saakay aroortii halkaas dagaal ku dhexmaray ciidamo ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka iyo kuwo u daacad ah Maamul goboleedka Puntland, sida uu shaaca ka qaaday Afhayeenka Maxkamadaha Islaamka ee Gobollada Dhexe.

 

Afhayeenka oo lagu magacaabo Maxamed Maxamuud Cagaweyne ayaa sheegay in ay saakay aroortii weerar ku soo qaadeen ciidamo ka yimid Puntlnad oo ay la socdeen sida uu yiri kuwo Itoobiyaan ah, wuxuuna sheegtay in ay guul ka gaareen dagaalka, isla markaana ay ciidamadii weerarka ku soo qaaday u ceyrsadeen dhinaca Itoobiya.

 

Cagaweyne, wuxuu kaloo sheegay in ay haatan ciidamada Maxkamadaha Islaamka ka taliyaan deegaanada Gelinsoor, Dagaari, Bandiiradley iyo Tuulo Xalaal deegaanadaas oo ay horay looga hor istaagay Ciidamada Maxkamadaha in ay tagaan

 

Dagaalkan oo ahaa sida wararka aan ku heleyno mid xooggan ayaaney ilaa iyo haatan soo bixin khasaaraha uu geystay marka laga reebo in ay Dhinaca Maxkamadaha sheegteen in ay jab u geysteen ciidamada ka soo horjeeday. Ilaa iyo haatan ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Maamulka Puntland oo ku saabsan in ay saakay weerar ku qaadeen ciidamada Maxkamadaha, isla markaana dagaalka lagu jebiyay.

 

Wixii warar ah ee dagaalka ku soo kordha kala soco Hiiraan Online

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).