13.4 C
London
Wednesday, October 8, 2025

Maxkamadaha Islaamka Gobollada Jubbooyinka oo mamnuucay isticmaalka Qaadka iyo Sigaarka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, November 11, 2006(HOL): Maxkamadaha Islaamka ee ka taliya gobollada Jubbooyinka ayaa mamnuucay in deegaanada ay ka taliyaan lagu isticmaalo Sigaarka iyo Qaadka, Xashiiska, Qamriga iyo Alkolada, iyadoo horayna ay u soo saareen wareegto ay ku mamnuucayeen ka ganacsigooda.

Madaxa Garsoorka Maxkamadaha Islaamka ee Gobollada Jubbooyinka Shiikh C/raxmaan Maxamed Firin ayaa u sheegay dadka gobollada Jubbooyinka, gaar ahaan kuwii ka ganacsan jiray amaba isticmaali jiray in ay muteysan doonaan ganaax lacageed oo kala duwan.

Shiikh C/raxmaan waxaa uu sheegay in gaarigii lagu helo isagoo Sigaar iyo Qaad wada la ganaaxi doono 5 Milyan oo Sh. So ah iyo bil shaqo ka joojin ah, iyadoo sidoo kalena gurigii la arko iyadoo Qaad lagu cunayana la ganaaxi doono 1 Milyan oo Sh.So. “lama yeeli doono in la yiraahdo gaarigan kiro ayuu ahaa oo Kenya iyo Itoobiya ayaa laga leeyahay, sidoo kalena guryaha marka aad kireyneysaan iska weydiiya in ay dadka aad ka kireyneysaan ay isticmaalaan Qaad iyo Sigaar, halka beryihii hore aad weydiin jirteen dadka Caruur ma wadataa”ayuu yiri Shiikh C/raxmaan Firin.

Sidoo kalena amarka ka soo baxay Maxkamadaha Islaamka ee gobollada Jubbooyinka waxaa uu saameynayaa dadka Taariku-salaadka ah, waxaana loo sheegay dadka aanan tukan in ay iyaguna mudan doonaan ciqaab adag oo ay ku jirto in qudha laga jari doono balse marka hore loo digayo. Gobollada Jubbooyinka ayaa tan iyo markii ay gacanta ku dhigeen Maxkamadaha Islaamka waxaa lagu soo rogay ammarro ay la qabsan la’ yihiin dadka deegaanadaas ku dhaqan, waxaana isla markiiba lagu bilaabay in la joojiyay ka ganacsiga Qaadka oo ay ku tiirsaneyd nolosha dad badan oo gobolladaas ku dhaqan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).