Sabti, November 11, 2006(HOL): Waxaa xalay heshiis hordhac ah ku kala saxiixday magaalada Muqdisho Dowladda Federaalka Soomaaliyeed iyo Maxkamadaha Islaamka, iyadoo heshiiskaasna ay gaareen guddiyo ay labada dhinac u saareen in ay wada hadallada u sii wadaan.
Kulan ay isugu yimaadeen guddiyada labada dhinac ayaa gunaanadkiisi waxaa ka soo baxay heshiis ay qodobadiisa ka kooban yihiin ilaa 7 qodob, kuwaasi oo aan ka xusi karno in la sii wado wada hadalladdii u dhaxeeyay dowladda iyo Maxkamadaha ee ay soo qaban qaabisay Jaamacadda Carabta, in la demiyo colaadda dalka ka taagan, lagana hortago wixii colaad keeni kara, in la dhaqangeliyo qodobadii lagu gaaray Khartoum, in aan la qaadin cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, in la dhowro midnimada Soomaaliya, iyadoo ugu dambeyntiina ay labada dhinac u mahadceliyeen Dowladda Kenya iyo shacabkeeda oo daryeel iyo derisnimo wanaag u muujisay Dadka Soomaaliyeed.
Xildhibaan Cumar Xaashi Aadan oo dhinaca dowladda u saxiixay heshiiska ayaa sheegay in heshiiska ay Maxkamadaha la gaareen uu yahay mid hordhac ah, isla markaana ay Dowladda iyo Maxkamadaha shir isugu tegi doonaan Khartoum, wuxuuna rajeeyay in fadhigaas dambe ee la qaban doono 15-ka December ay ka soo bixi doonto guul weyn oo ay shacabka Soomaaliyeed u aayaan.
Cumar Xaashi waxaa uu sheegay in natiijada safarkii ay ku tageen Xamar ay soo degdegtay, bacdamaa ay Maxkamadaha soo dhaweeyeen wafdiga dowladda ee uu Guddoomiyaha Baarlamaanka hoggaaminayay, wuxuuse carrabka ku dhuftay in Soomaalida si kasta oo wax u dhexmaraan ay heshiin karaan haddii ay is-horfariistaan balse taasi ay hortagan tahay faragelin shisheeye.
Sidoo kalena waxaa kulanka ka hadlay Shiikh Cumar Iimaan Abuu Bakar oo ah Guddoomiye ku xigeenka Golaha Shuurada Maxkamadaha Islaamka, isla markaana Maxkamadaha u saxiixay heshiiska ayaa sheegay in ay aaminsan yihiin Maxkamadaha Islaamka in aysan u baahaneyn Soomaalida in la dhexdhexaadiyo oo markaasina haddii ay is-horfariistaan ay ka heshiin karaan caqabadaha u dhaxeeya. Shiikh Cumar Iimaan waxaa uu isna sheegay in heshiis laga gaaro arrimaha Soomaaliya ay hortaagan tahay faragelin shisheeye, taasi oo loo baahan yahay in ay meesha ka baxdo.
Heshiiska ay wada gaareen Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka oo ay ka soo shaqeeyeen Guddiyo ay labada dhinac iska dhex doorteen kadib kulankii ay todobaadkii hore ku yeesheen Degmada Afgooye ayaa waxaanan ku jirin qodobo muhiim ah oo ay si weyn u dhowrayeen dadka Soomaaliyeed, kuwaasi oo ay ka mid yihiin la kala qaado ciidamada Maxkamadaha iyo kuwa Dowladda ee isku horfadhiya inta u dhaxeysa Baydhabo iyo Buur-Hakaba, iyadoo sidoo kalena ay dad badan is-weydiinayaan sida lagu dhaqangelin karo heshiiskan oo aysan dhinaca dowladda lug ku lahayn madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi oo Baydhabo ku sugan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia