13.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Guddoomiyaha Maxkamadaha Islaamka u qaabilsan Gobollada Jubbooyinka oo ka hadlay dilkii maxaabiis dhaawac ah loogu geystay Degmada Bu’aale

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, November 01, 2006(HOL): Guddoomiyaha Maxakamdaha Islaamka u qaabilsan Gobollada Jubbooyinka Axmed Shiikh Maxamed Islaan ayaa ka hadlay falkii dilka ahaa ee Isbitaal ku yaala Degmada Bu’aale loogu geystay seddex nin oo dhaawac ahaan loogu soo qabtay dagaalkii Deegaanka Dujuuma ku dhexmaray Ciidamada Maxkamadaha Islaamka iyo kuwa Col. Barre Hiiraale, wuxuuna sheegay Guddoomiyuhu in ay falkaas aad uga xumaadeen.

 

Guddoomiyaha waxaa uu sheegay in ay guddi u saareen dilkii loo geystay raggaas, wuxuuna caddeeyay in ay hadal rasmi ah bixin doonaan marka caddeymo la soo helo, isagoo tibaaxay in haddii ay caddaato in raggaasi si gardarro ah loo laayay ay sharciga hor keeni doonaan kuwii ka dambeeyay, “haatan wax jawaab ah oo rasmi ah ma bixin karno, arrinta guddi ayaan u saarnay, kaasi oo aan jawaab ka sugeyno, hadda waxaa nagu maqaalo ah oo ay ciidamada qaarkood sheegayaan in ragga la dilay ay rabeen in ay baxsadaan oo ay gaarigii lagu waday isku dayeen in ay ka boodaan”ayuu yiri Axmed Shiikh Maxamed Islaan Guddoomiyaha Gobollada Jubbooyinka ee Maxkamadaha Islaamka.

 

Axmed Shiikh Maxamed Islaan waxaa uu dhinaca kale ka hadlay eedeymo ay u soo jeediyeen Maxkamadaha Islaamka Odayaasha Beesha ay ka soo jeedaan Ragga la dilay, kuwaasi oo Maxkamadaha ku eedeeyay in ay si gaar ah u caburiyaan beeshooda, isla markaana gaadiid ay dad rayid ah leeyihiin ay ka qaateen, wuxuuna arrintaas ka yiri guddoomiyaha “Walaalow haddii ay caburin jirto raggaasi ma aysan hadleen,maxkamadna wax kama sheegeen taa halkaa iska dhig, maalin kasta ayaa haween na dhagaxyeeyaan, ragna idaacadaha ka caaytamaan, waxna kama dhahno, taasi waxay caddeyneysaa xoriyadda uu qofku leeyahay”.

 

Wuxuu intaas ku daray Guddoomiyaha in ay soo dhaweynayaan cid kasta oo ka tirsaneyn Isbaheysigii Dooxada Jubba, wuxuuna caddeeyay in ay soo dhaweeyeen saraakiil isu soo dhiibtay, kuwa kale ee dhimanna ay soo dhaweynayaan xitaa Barre Hiiraale, “Barre haddii uu noo yimaado waan soo dhaweyneynaa, wuxuu ehelnimo, Soomaalinimo iyo Islaannimo noogu leeyahay ayuu nagu leeyahay, Siyaasadda Maxaakiimtana hal qof in aan ceyrino oo aan sheydaan ugu kaalmeynana ka mid ma ahan, Barre-na waxaan leenahay walaalow waxba duur haku ordin soo dhawoow”ayuu yiri Axmed Shiikh Maxamed Islaan oo sheegay in ay soo dhaweynayaan nin kasta oo ka mi d ah kuwii la dagaalamayay.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee raggan la dilay ee markoodii hore u soo hub qaatay in ay maxkamadaha la dagaalamaan oo la dilo amaba ay wax dilaan ayaa haatan waxay noqonayaan kuwo uu dilkooda weji gabax ku noqonayo Maxkamadaha Islaamka oo ka taliya deegaano badan oo ku yaala Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).