Arbaco, November 01, 2006(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Khartoum ee dalka Suudaan ayaa sheegaya in uusan rajo wanaagsaneyn shirkii ay Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka u tageen dalka Suudaan, waxaana taasi ugu wacan iyadoo ay labada dhinac isku xirayaan shuruudo ad-adag oo uusan shirka ku furmi kairn.
Maxkamadaha ayaa dalbaday in Shir guddoonka shirka laga saaro Dowladda
Prof. Ibraahim Xasan Caddow oo Maxkamadaha Islaamka uga wakiil ah Wada Hadallada ayaa ku goodiyay in haddii aan la fulin shuruudaha ay wataan ay dib ugu laaban doonaan Magaalada Muqdisho, iyaga oo raaci doonaan diyaaradda ugu horeysa ee Khartoum ka tegeysa, wuxuuna mas’uuliyadda burburka wada hadallada dusha u saaray mas’uuliyiinta sare ee dowladda oo uu sheegay in ay ciidamo Itoobiyaan ah dalka soo geliyeen, sidoo kalena wuxuu mas’uuliyadda burburka wada hadallada wax ka saaray Xildhibaanada Baarlamaanka ee u codeeyay in ciidamo shisheeye dalka la keeno.
Prof. Caddow waxaa uu sheegay in ay wada hadallo la yeesheen wakiillada Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika, IGAD, UN-ka iyo Goobjoogayaasha kale ee Beesha Caalamka ka socda, kuwaasi oo ay u sheegeen in aysan raali ka noqon karin in galka ama file-ka shirka gacanta loo geliyo dowladda Kenya oo sida uu yiri dooneysa in ay wax loo wado sidii Mbagathi lagu hayay markii loo fadhiyay shirkii lagu soo dhisay Dowladda Federaalka.
Laakin inta badan diblumaasiyiinta shirka u timid in ay goob joog ka noqdaan ayaa waxay rajeynayaan in wada hadallada ay bilaaban doonaan, sida ay Idaacadda Codka Mareykanka ee VOA u sheegtay Rina Kristmoen oo ka socota Safaaradda Norway ee ku taala Magaakada Nairobi.
“Waa muhiim in labada dhinac ay kulmaan, ayna sii wadaana wada hadallada si ay isugu dayaan in ay xal raadiyaan, nabadna ay u keenaan Soomaaliya”ayay tiri Rina Kristmoen oo ka mid ah Diblumaasiyiinta ku sugan Magaalada Khartoum ee daneynaya in ay goob joog ka noqdaan wada hadallada Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha u dhaxeeya.
Sida muuqata xaalka waa uu cakiran yahay, waxaana jirta cabsi ku saabsan in shirka uu burburo, isla markaana uu dagaal ka dhex bilowdo ciidamada labada dhinac oo haatanba wax yar isu jira, maalintii shalay ahaydna sameeyay dab rid ay hubkooda ku tijaabsanayeen, gaar ahaana inta u dhaxeysa Magaalooyinka Buur Hakaba iyo Baydhabo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia