12.1 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Maxkamadaha Islaamka oo joojiyay Gaadiidkii u bixi jiray Magaalada Baydhabo

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, December 09, 2006(HOL): Golaha Maxkamadaha Islaamka ayaa saakay joojiyay gaadiidkii u bixi jiray Magaalada Baydhabo oo fariisin KMG ah u ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo sababta ay u mamnuuceen gaadiidkaasna ku sheegay in ay la xiriirto dhaqdhaqaaqyo ay ciidamo Itoobiyaan ah ka bilaabeen deegaanada ay Dowladda ka taliso.

 

Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo isagu tegay Busteejada Gaadiidka Baydhabo ee Magaalada Muqdisho  ku taala ayaa u sheegay milkilayaasha Gaadiidka Baydhabo aada in aysan naftooda halis gelin, isla markaana aysan wadada ku rafaadin dadka safarka ee doonaya in ay Baydhabo aadaan.

 

Shiikh Mukhtaar wuxuu sheegay in xayiraadda laga qaadi doono gaadiidkaas marka ay xaaladda is-bedesho, wuxuuna ugu baaqay dadka in aysan Baydhabo u safrin tan iyo inta ay sideedii ku soo noqoneyso Wadada isku xirto Muqdisho iyo Baydhabo oo haatan sida uu yiri aaney xaaladdeedu wanaagsaneyn.

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa iyaduna dhawaan waxay mamnuucday inay Magaalada Baydhabo galaan gaadiidka yar yar ee Mark II loo yaqaan kadib markii labo qarax oo magaaladaas ka dhacay loo adeegsaday gaadiidka yar yar oo sida la sheegay Muqdisho ka tegay, walow ay qaar ka mid ah Milkilayaasha gaadiidka yar yar ee isaga kala goosha Muqdisho iyo Baydhabo ay ka soo dhameysteen Dowladda Federaalka in ay howlahooda sii wataan.

 

Ugu dambeyntiina, Maxkamadaha Islaamka ayaa horay waxay magaalada Baydhabo ugu soo rogeen xayiraad ah in aaney u gudbi karin gaadiidka shidaalka daabula, iyadoo taasina ay ku sababeeyeen in shidaalka Muqdisho laga qaado ee Baydhabo loo iib geeyo ay isticmaalaan Gaadiid ay wataan Ciidamo Itoobiyaan ah oo Baydhabo jooga, waa sida ay hadalka u dhigeen mas’uuliyiinta dhinaca ammaanka ee Maxkamadaha Islaamka.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).