12.1 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Banaanbaxyo looga soo horjeedo in Ciidamo Shisheeye loogu diro Soomaaliya oo maanta ka dhacay deegaanada ay ka taliyaan maxkamadaha Islaamka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, December 08, 2006(HOL): Banaanbaxyadan oo ay soo qaban qaabiyeen Mas’uuliyiinta Maxkamadaha Islaamka ee la inta badan la wareegay gacan ku heynta Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa maanta waxay ka dhaceen Magaalooyinka Muqdisho, Beledweyne, Dhuusa-mareeb, Kismaayo iyo Bu’aale.

 

Dadweyne aad u faro badan oo taageero u ah maxkamadaha Islaamka ayaa ka qeybgalay Banaanbaxyadaas oo looga soo horjeeday in ciidamo shisheeye loo soo diro Dalka Soomaaliya, iyadoo ay mas’uuliyiintii Maxkamadaha Islaamka ee ka qeybgalay Banaanbaxyadaasna ay caddeeyeen in haddii dalka Soomaaliya loo soo diro ciidamo Shisheeye ay la dagaalami doonaan.

 

Dadweynihii isugu soo baxay magaalooyinkaas ayaa waxay ku dhawaaqayeen ereyo lid ku ah Dowladaha Mareykanka iyo Itoobiya oo ay sheegeen in ay Soomaaliya cadaw ku yihiin, waxaana magaalada Kismaayo oo kale lagu gubay calamada labadaas Dal.

 

“Uma baahnin ciidamo shisheeye, IGAD dooni meyno, nabad ayaan dooneynaa iyo ereyo kale oo ay ku diidan yihiin in ciidamo loo soo diro Soomaaliya” ayay ku dhawaaqayeen dadweynihii isugu soo baxay Magaalooyinka Muqdisho, Beledweyne, Dhuusa-mareeb, Kismaayo, Bu’aale.

 

Banaanbaxa ka dhacay Magaalada Muqdisho waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan maxkamadaha Islaamka oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed, Guddoomiye ku xigeenka labaad ee guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh C/qaadir Cali Cumar, Madaxa Ammaanka Maxkamadaha Islaamka Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde iyo kuwo kale.

 

Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo la hadlay dadweyne isugu soo baxay garoonka Kubadda cagta ee Conis Stadium ayaa sheegay in aaney dadka Soomaaliyeed maanta u baahneyn fargelin in ciidamo shisheeye loo soo diro, wuxuuna caddeeyay in caalamka looga baahan yahay in uu arrintaas ka fiirsado, haddii Soomaaliya la taageerayana laga caawiyo dhinaca Bani’aadannimada.

 

Shiikh Shariif oo qudbaddiisa ay u badneyd duco iyo in uu shacabka Soomaaliyeed ka guuleeyo cadawga ku soo duulaya waxaa uu gunaanadkii qudbadiisa ku sheegay in uu maantaba bilowday dagaalkii Jihaadka ahaa, isla markaana Ciidamo ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka oo ku sugnaa degmada Diinsoor ay weerar ku soo qaadeen ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwo Dowladda Federaalka ka amar qaata, sidaas darteedna wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay la gudboon tahay in ay jihaadka ka qeybgalaan, qoryahoodana ay soo qaataan.

 

Waa Banaanbixi seddexaad oo muddo todobaad ah ay maxkamadaha Islaamka Muqdisho ku qabtaan, inkastoo midkan uu ku soo beegmayo iyadoo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu isku raacay in Ciidamo nabad ilaaliyaal ah oo difaac u noqda Dowladda Federaalka loo diro Soomaaliya, halka labadii banaanbax ee midkan ka horeeyayna ay ahaayeen kuwo la dhigay intii uusan go’aanka Golaha Ammaanka soo bixin.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).