Khamiis December 07,2006 (HOL): Wararka naga soo gaaraya deegaanka Bandiiradley ee Gobolka Mudug ayaa sheegayaa in uu xalay Deegaanka Seddex Xiglo oo u dhow Bandiiradley uu ka dhacay Dagaal xooggan oo dhexmaray Ciidamada Maxkamadaha Islaamka iyo kuwo Itoobiyaan ah oo dhawaanahan isku horfadhiyay deegaanadaas.
Afhayeenka Maxkamadaha Islaamka ee Gobollada Dhexe Maxamed Maxamuud Caga-weyne ayaa xaqiijiyay inuu dagaalkaas dhacay, isla markaana ay khasaare u geysteen Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo weeraray, kuwaasi oo kaashanayay Ciidamo kale oo ka amar qaata Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.
Wararku waxay intaas ku darayaan in deegaanadaas ku sugan yihiin Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u hubeysan, kuwaasi oo weliba mararka qaarkood ay is-gaashaanbuursadaan Ciidamo kale oo taabacsan Maamulka Puntland iyo Cabdi Qeybdiid oo isugu ay Maxkamadaha Islaamka dagaal kaga saareen Magaalada Muqdisho.
Ma jirto ilaa iyo haatan cid ka madax banaan labada dhinac ee deegaanadaas isku haya oo xaqiijineysa khasaaraha ka dhashay dagaalka ay labada dhinac isu geysteen, marka laga soo tago sheegashooyinka ka soo baxaya dhinacyada is-haya ee iyagu guusha dagaalka isa siiya.
Waa markii labaad ee ay Ciidamada Maxkamadaha Islaamka iyo kuwa Itoobiyaanka isaga horyimaadaan Deegaanadaas, iyadoo dagaalkii midkan ka horeeyay ay Ciidamada Maxkamadaha kula wareegeen gacan ku heynta Deegaanka Bandiiradley oo ay horay ugu sugnaayeen Ciidamo ka amar qaata Cabdi Qeybdiid.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia