13.4 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Maxkamadda Islaamiga Degmada Buulo-Burte oo mamnuucday in xilliga Salaadaha ay furnaadaan Goobaha Ganacsiga

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, December 06, 2006(HOL): Amar ka soo baxay Maxkamada islaamiga ee Degmada Buula ayaa markii ugu horeysay waxaa lagu mamnuucay in Xiliga salaada la Arko Goobo ganacsi oo furan iyo waliba Rag darbiyada iska fadhiyada iyada oo saladaa lgu jiro marka laga Reebo oo kaliya sada Warka soo baxay lagu sheegay ciidamada Hubinaya dhaqan galka Go’aanka maxkamada.

 

Shiikh Xuseen Bare Raage oo ah Gudoomiyaha Maxkamada islaamiga Degmada Buula-burte oo Qoraalka soo baxay ku saxiixnaa ayaa mar ay la xiriirtay HOL waxaa uu sheegay in Go’aankani yahay mid ku dayasho mudan, Maadaama ayuu yiri dadka soomaalidu yihiin 100% muslim sidaa daraadeed aan loo dul qaadan karin in la arko dad salaada iska dhanac mara sabab la’aan, waxaana uu intaa ku daray in Hergalinta Go’aankani yahay mid dhinacooda ay ka dhab tahay.

 

dhaqan galinta Amarka ayaa bilaabanaya sida uu sheegay Gudoomiyuhu laga bilaabo Aqinka saalada Ilaa inta la faaruqayo oo cidii lagu arko iyada oo iska ganacsaneysa ay mudan doonto ciqaab adag, sidoo kale Gudoomiyuhu waxaa uu sheegay in go’aankani yahay mid aan sameyn ku yeelan doonin haweeka oo aan laa baaheyn sida raga oo kale in ay masjidyada camiraan, lakiin marka laga hadlayo arinta goobaha ganacsiga ma’aha mid Raga iyo haweenka oo dhamaan waa la xirayaa.

 

Talaabada ay qaadatay Maxkamada islaamga ee Degmada Buula-burte ayaa ah mid ku cusub Dhamaan Deegaanada ay ka taliyaan Maxkamadaha oo aan horey looga dhawaaqin go’aan ka la mid ah, waxaana la oran karaa waa Amar ku adkaan doona dad badan oo ku dhaqan degmada Buula burte maadaama dadka soomaalidu yihiin kuwo intooda badan caado ka yeeshay in xiliga saalada Qaar kood ay iska ganacsadaan halka kuwo kalana iyada oo salaada lagu jiro isaga sheekeystaan goobaha lagu qaxweeyo, waxaad moodaa in Maxkamada islaamiga degmada Buula burte ay ka hor marisay salaada Qodobada kale ee Maxkamadahu sheegeen in la mamnuucay sida Qaadka oo kale.

 

Dhanka kalena Wali waxaa socda Gar gaarka la gaarsiinayo Qoysaskii ku barakacay Fatahadii uu wabiga shabeele ku sameeyay Magaalada B/weyn kuwaasoo ay ka qeyb-qaadanayaan hay’adaha masafalka iyo waliba shirkadaha xawaaladaha ee ka howl-gala gobalka Hiiraan.

 

Gar gaarka oo ah mid intiisa badan ay gacanta ku hayaan hay’adaha samafalka ayaa hada waxaa soo baxaya dhaliilo ugu amaanaya Qoysaska Bara kacay oo sheegay in wax yaabaha ay bixiyaan hay’adaha iyo waliba sida loo maalo yihiin kuwo inta badan looga wanaagsan yahay.

 

HOL oo u guur gashay cabashadaa taagan ayaa dadkii ay wareysatay waxaa ay u sheegeen in wax yaabaha ay bixiyaan hay’aduhu yihiin kuwo baahida loo qabo la soo dhaafay, Tusaale ahaan waxaa ay farta ku fiiqeeyn in Maalin kasta la soo gaarsiiyo Baco iyo Maro kaneeco, halkii loo baahnaa ayeey yiraadeen in la helo wax la quuto.

waxaana ay dadku intaa ku dareen in xitaa sida loo maamulo wax yaabaha la bixiyo aysan ku qanacsaneyn, maadaama sida ay sheegeen aan si siman loo wada qeybin gar gaarka, lakiin marka laga soo tago hay’adaha samafalka dadku waxaa uu siweyn u amaanay gar gaarka ay soo gaarsiiyaan shirkadaha Xawaaladaha oo Tayo ahaan ka wanaagsan kuwa ay bixiyaan hay’adaha smafalka,sida Shirkada Dah-Shiil oo deeq isugu jirta Bariis iyo waliba Biyo baceysan gaarsiisay Ilaa 600 oo Qoys oo ku dhaqan deegaanada Ceel-jaala iyo Jante-guudisho, iyada oo Qoys walba qeybtii ku soo aaday loogu geeyay hoyga ii degan yahay.

 

shirkadaha Xawaaladaha ee gar gaarka gaarsiiyay dadka soo bara kacay oo sidoo kale ay ka mid tahay Shirkada Amaana marka aad la sheekeysato maamulkooda waxaa ay kuu sheegayaan wax micno ah aysan sameyn karin in maalin kasta Qoysaska la gaasiiyo Baco iyo wax la mid ah lakiin muhiimadu tahay in la eego dhinaca Baahida loo qabo wax la quuto, waana tan keentay in hada dadka indhahooda ay ku fooraraan dhinaca shirkadaha Xawaaladaha.

 

Ilaa hada dadku magaalada kuma aysan laaban sababo la xiiriira gar gaarka oo socda waxaana jira in hada ay soo baxayaan Qoysas hor leh oo Aqalo ka sameysanaya deegaanda Ceel Jaale iyo Jante-guudisho, waxaana meelaha qaar hada la joojinyay in la gaarsiiyo gar gaar maadaama loo arkay dad ku dhaqan in ay yihiin kuwo aan ka soo baro kicin fatahaada lakiin u jooga oo kaliya in ay qaataan gar gaarka loogu tala galay dadka tabaleysan.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).