13.4 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Daadad ku soo rogmaday Isha Baydhabo oo sababay in ay biyuhu ka saramaraan Buundha Isha, kuna fatahaan xaafadaha u dhow

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, December 06, 2006(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa sheegaya in ay saakay daadad ku soo rogmadeen Isha Baydhabo, isla markaana biyihii soo galay bohosha Isha ay ka sara mareen Buundada Isha kadibna ay ku sii fataheen Xaafadaha ku dhow sida Isha, Busley iyo Howl-Wadaag.

 

Daadadkaas ku soo rogmaday Isha Baydhabo ayaa waxaa sababay Roobab xalay ka da’ay gudaha Magaalada Baydhabo, iyadoo ka sii horna ay jireen roobab kale oo biyo dhigay bosha Isha.

 

Ilaa 20 Qoys ayay Daadadkaas bara-kiciyeen, kuwaasi oo u ciirsi doontay xaafado kale oo ka fog Isha Baydhabo, iyadoo ay socdaan dadaallo daadadkaas wax looga qabanayo, kaasi oo ay wadaan Maamulka Gobolka Bay.

 

Biyaha ku soo rogmaday Isha Baydhabo ayaa waxay keentay in ay dad badan oo isaga kala yimid Magaalada Baydhabo gudaheeda iyo duleedkeeda ay isu soo baxaan, isla markaana ay u soo daawasho tagaan qul-qulka biyaha ku soo rogmaday Isha Baydhabo, waxaana markaasi kadib goobtii yimid Ciidamo ka tirsan dowladda federaalka, kuwaasi oo rasaas ku kala ceyriyay dadkii isu soo baxay, iyadoo halkaasina ay ka dhacday dhimashada wiil dhalinyaro ah iyo dhaawac soo gaaray Haweeney iyaduna ka mid ahayd dadkii daawanayay Isha Baydhabo.

 

Wiilka geeriyooday ayaa markii ay rasaasta haleeleysay wuxuu saarnaa Geed Berdo ah oo ku yaala agagaarka Isha Baydhabo, si uu daawado biyaha ku socda Isha. Sababta ay ciidamada u rideen rasaasta ayaa qaarar ka mid ah Ciidamadii dowladda ee goobta tegay ku sheegeen in ay ka horjeedeen in ay dadka isu soo baxay ay ku soo dhex dhuuntaan dad fidno wadayaal ah oo qaraxyo geesan kara.

 

Magaalada Baydhabo oo tan iyo markii ay fariisika ka sameysatay Dowladda federaalka Soomaaliyeed ay ka dhaceen labo qarax oo dhimasho iyo dhaawac geystay ayaa haatan waxay u muuqataa mid amaankeeda wax laga qabanayo, isla markaana si weyn loo koontaroolayo dadka soogelaya iyo kuwa ka baxaya intaba.

 

Gaadiidka yar yar ayaa magaalada laga mamnuucay, sidoo kalena waxaa qofkii safar ah ee gelaya magaalada laga doonayaa in uu la yimaado qof damiinta si haddii uu qofkaas dhibaato geysto loogu raacdo qofka damiintay. Sidoo kalena, waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka guryaha ay Magaalada Baydhabo ka degan yihiin mas’uuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka, iyadoo nawaaxiga guryaha mas’uuliyiintaas lagu arkayo ciidan aad u tiro badan oo digtoonaan qaba.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).