Arbaco,
Ra’iisal Wasaare Geedi oo wariyayaal kula hadlay Magaalada Addis Ababa mar uu ka soo laabtay Magaalada Abuja ee dalka Nigeria oo uu uga soo qeybgalay shir ay halkaasi ku lahaayeen madax ka socotay dalal ku yaala Afrika iyo Koofurta Ameerika ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Federaalka ay mar kasta nabad iyo wada xaajood ay wax ku raadiso, balse sida uu yiri ay Maxkamadaha Islaamka doonayaan in ay qoriga caaraddiisa wax ku qabsadaan.
Prof. Cali Maxamed Geedi oo dhawaan Nairobi ka sheegay in ay Maxkamadaha Islaamka kala wareegi doonaan Magaalada Muqdisho waxaa kale oo uu sheegay in Maxkamadaha Islaamka ay doonayaan in ay dalka Soomaaliya ka dhigaan meel ay ku nabadgalaan Argagixisada Caalamka, wuxuuna caddeeyay in ay taasi ka hortegeyso Dowladda Federaalka oo kaashaneysa Urur Goboleedyada ay ka tirsan tahay iyo guud ahaan Beeshada Caalamka.
Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi waxaa uu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliyeed ay isu diyaarisay in ay ka hortagto Maxkamadaha Islaamka oo sida uu yiri doonaya in ay isku ballaariyaan dalka Soomaaliya, isagoo ku tilmaamy Maxkamadaha Islaamka sida uu hadalka u yiri Biiri-qaatayaal dalka soo geliyay kooxo argagixiso ah.
Hadalkan uu sii daayay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa wuxuu sii fogeynayaa rajadii laga qabay in ay Maxkamadaha Islaamka iyo Dowladda Federaalka ay isu soo dhawaadaan, isla markaana la sii amba qaado wada hadalladii labada dhinac ka qabyoobay.
Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi ayaa horay u sheegay in dowladdiisa ay soo dhameysay diyaargarow ay ugu jirtay dagaal ay la gasho Maxkamadaha Islaamka, iyadoo Baarlamaanka Dalka Itoobiyana uu ansixiyay in ay Dowladda Itoobiya qaaddo tallaabo kasta oo ay isaga difaaceyso Maxkamadaha Islaamka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online