13.4 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Gaadiidka yar yar oo laga mamnuucay in ay galaan Magaalada Baydhabo

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, December 05, 2006(HOL): Maamulka Gobolka Bay ayaa soo saaray amar uu gaadiidka yar yar uga mamnuucayo in ay galaan Magaalada Baydhabo, iyadoo amarkaasi oo lagu waday in uu maanta dhaqangalana aysan suurtagelin.

 

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa waxay sheegayaan in ay saakay si caadi ah u shaqeyneysay busteejada gaadiidka yar yar laga raaco, waxayna mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Bay ay sheegeen in uu amarkooda si rasmi ah u dhaqangeli doono maalinta berri ah.

 

Amarkan ka soo baxay Guddiga nabadgelyada Maamulka Gobolka Bay ayaa wuxuu yimid kadib markii labo qarax oo ka dhacay gudaha iyo duleedka magaalada Baydhabo loo adeegsaday gaadiidka yar yar, gaar ahaan kuwa loo yaqaano Mark II.

 

Darawallaada ku xoogsada Gaadiidka xayiraadda lagu soo rogay ayaa cabasho xooggan ka muujiyay amarka ka soo baxay Maamulka Gobolka Bay, wuxuuna  Aadan Xasan oo ka mid ah darawaliintaas uu sheegay in ay dhibaato weyn ay u geysaneyso xayiraaddaas, wuxuuna carrabka ku dhejiyay in ay noloshooda iyo tan qoysaskooda ay adkaan doonto bacdamaa sida uu yiri aaney heysan wax kale oo ay ku xoogsadaan.

 

Xayiraadda uu Maamulka Gobolka Bay ku soo rogay Gaadiid yar yar waxay saameyn ku yeelan doontaa dadka safarreyda ah ee saacadaha kooban ku tegi jiray Magaalada Baydhabo, kuwaasi oo haatan marka ay raacaan gaadiidka waa weyn uu safarka ku qaadanayo waqti dheer.

 

Khamiistii aynu ka soo gudubnay ayaa halka laga galo magaalada Baydhabo ee lagu magacaabo Koontaroolka Bakiin waxaa ka dhacay Qarax aad u xooggan, kaasi oo ay dad ku dhinteen, iyadoo Dowladda Federaalkana ay sheegtay in gaari qaraxaas geystay uu ka tegay dhinaca Magaalada Muqdisho.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).