Talaado,
Maxamed Tahliil Warsame oo Maxkamadaha Islaamka u qaabilsan ka hortagga cudurrada faafa ayaa sheegay in tallaalkaas ay fulintiisa iska kaashanayaan Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) iyo Waaxda Caafimaadka Maxkamadaha Islaamka, waxaana qof kasta la siinayaa inta uusan diyaaradda fuulin tallaal garabka laga siinayo.
Maalintii shalay ahayd ayaa dalka Sacuudiga waxaa u dhoofay Xujey ka badan 300 oo ruux, kuwaasi oo ay garoonka diyaaradaha Muqdisho ay ka qaadeen shirkadaha diyaaradaha Jubba Airways iyo Daallo Airlines.
Waa markii ugu horeysay oo ay dalka Soomaaliya ka baxaan Xujey tallaal qaba, iyadoo xiliyadii hore ay dadka doonaya in ay soo Xajiyaan ay dhegaha ka fureysan jireen farriimo uga imaan jiray Dhaqaatiirta Soomaaliyeed qaarkood, kuwaasi oo ugu baaqayay Xujeyda in ay is-tallaalaan si ay uga badbaadaan cudurro ay ka soo qaadaan dadka Malaayiinta ah ee Xajka isugu taga sanadkiiba hal jeer.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online