13.4 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Maxkamadaha Islaamka oo ka hadlay is-rasaaseyn saakay ka dhacday Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, December 05, 2006(HOL):Waxaa saakay isku rasaaseeyay agagaarka Ex-koontarool Balcad Maleeshiyooyin xoog ku heysatay dhismaha Warshaddii cabitaanka  IGAR iyo ciidamada Maxkamadaha Islaamka oo weerar ku qaaday maleeshiyooyinka ku sugnaa xarunta Warshadda.

 

Taliyaha qeybta bari ee saldhiga Huriwaa Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise Axmed (Kabo-ku-tukade) oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay ciidamada Maxkamadaha howlgalkaas fuliyeen kadib markii ay u dacwoodeen dadkii guriga xoogga looga heystay, wuxuuna tilmaamay in ay markaasi kadib u digeen dadkii guriga heystay balse ay ka madax adeygeen.

 

Shiikh Kabo-ku-tukade wuxuu sheegay in aysan cidna wax ku noqon is-rasaaseynta dhexmartay ciidamada Maxkamadaha iyo maleeshiyooyinkii heystay Dhismaha Warshadda, wuxuuna caddeeyay in ay gacanta ku dhigeen dhamaanba maleeshiyooyinkii dhismaha ku sugnaa, kuwaasi oo intey hubka ka dhigeen ay xabsiga dhexe ee Muqdisho u dhaadhiciyeen.

 

Wuxuu sheegay Taliyaha qeybta bari ee Saldhiga Huriwaa Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise Axmed (Kabo-ku-tukade) wuxuu intaas ku daray in aysan maanta kadib jiri doonin guri xoog lagu heysan karo, wuxuuna ugu baaqay haddii ay jiraan dad guryo aysan lahayn in ay deg deg uga baxaan.

 

Golaha Maxkamadaha Islaamka ayaa dhawaan waxay howlgelisay Maxkamad qaabilsan Hanti isu celinta, taasi oo dadka u kala xukumeysa hantida ay isku heystaan, guriga uu maanta howlgalka ka dhacay qudhiisana waxaa dadkii lahaa u soo xukuntay Maxkamadda Hanti isu celinta.

 

Waa markii ugu horeysay oo ay dadka Muqdisho maqlaan rasaas la isku ridayo, waxaana ugu dambeysay rasaas ay maqleen xiligii ay Magaalada Muqdisho ku dagaalamayeen Hoggaamiye kooxeedyadii laga itaalka roonaaday iyo Maxkamadaha Islaamka oo iyagu haatan amarkooda uu ka socdo Magaalada Muqdisho.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).