Isniin,
Seminaarkan oo socon doona muddo 3 maalmood ah ayaa waxaa wax ku baraya ilaa 30 qofood oo isugu jira Oday Dhaqameedyo iyo Wariyayaal, iyadoo muddada uu socdana la bari doono ka qeybgalayaasha sida loo xaliyo khilaafaadka iyo waxa ay tahay dowlad wanaaga.
Furitaankii Seminaarkan oo lagu qabtay Hotelka Ambassador ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka hadashay Guddoomiyaha Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale ee Xuquuqda Aadanaha Marwo Maryan Xuseen Maxamed Awreeye oo sheegtay in seminaarkan uu yahay mid ay ugu talagaleen in ay uga faa’iideeyaan Odayaasha dhaqanka oo iyagu had iyo jeeraale ku soo baxa khilaafaadyo, iyadoo sidoo kalena xustay in looga faa’iideysan doono Dowlad wanaaga.
Maryan Awreeye waxay sheegay in ay go’aansadeen in ay bulshada Soomaaliyeed u gudbiyaan labadaas qodob oo ah kuwo ay dadka Soomaaliyeed baahi weyn u qabaan, waxayna intaas kadib rajeysay in uu Alle u keeni doono dadka Soomaaliyeed dowlad wanaagsan oo soo af-jarta Khilaafaadyo dhowr ah oo maanta Dalka Soomaaliya ka jira.
Odayaashii iyo Wariyayaashii Seminaarka loo furay ayaa maanta waxay qaateen casharro ku saabsan waxa khilaafka keena, sida loo xaliyo iyadoo maalmaha soo socdana ay baran doonaan dowlad wanaaga iyo sida lagu gaari karo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online