13.4 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Wafdigii Maxkamadaha Islaamka ee Jabuuti aaday oo Muqdisho dib ugu soo laabtay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, December 04, 2006(HOL): Waxaa maanta dib ugu soo noqday magaalada Muqdisho Wafdigii maxkamadaha Islaamka ee beryahan ku sugnaa Dalka Jabuuti, halkaasi oo ay kulan kula soo qaateen Madax ka tirsan Urur Goboleedka IGAD.

 

Wafdigan oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa waxaa xubno ka ahaa Xoghayaha Arrimaha Dibadda maxkamadaha Islaamka Prof. Ibraahim Xasan Caddow, Guddoomiye ku xigeenka Golaha Shuurada Shiikh Cumar Imaan Abuu Bakar iyo xubno kale.

 

Prof. Ibraahim Xasan Caddow oo markii uu garoonka ka soo degay la hadlay Warfidiyeenada ayaa sheegay in ay Jabuuti kulan ku soo wada qaateen mas’uuliyiin ka socotay Urur Goboleedka IGAD, isla markaana uu kulankoodii ku soo dhamaaday jawi is-af-garad leh.

 

Wuxuu sheegay Prof. Caddow in IGAD ay caddeysay in Maxkamadaha Islaamka deegaanada ay ka taliyaan ay nabadgelyo ku soo dabaaleen, taasina ay ku amaanan yihiin, sidoo kalena ay la garatay in Ciidamada Itoobiyaanka laga bixiyo dalka Soomaaliya.

 

Dowladda Kenya oo haatan heysa guddoomiyenimada wareega ah ee Urur Goboleedka IGAD ayaa Maxkamadaha Islaamka ku casuuntay in ay ka soo xaadiraan kulan lagu dhameynayo mad-madow soo kala dhexgalay maxkamadaha Islaamka iyo Urur Goboleedka IGAD, sidaas ayay Maxkamadaha Islaamka ku tageen Jabuuti iyagoo ka jawaabayay codsigii uga yimid Dowladda Kenya.

 

Dhanka kalena, waxaa maanta Magaalada Muqdisho ka soo degay Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Francois Lonseny Fall, kaasi oo Muqdisho u yimid sidii uu Maxkamadaha Islaamka ugala hadli lahaa in ay wada hadallada Khartoum ka qeybgalaan, sidoo kalena ay Maxkamadaha gacan ka geystaan in la baajiyo dagaal ka dhaca dalka Soomaaliya.

 

Ergayga wuxuu bishii hore ee November u booqday Magaalada Baydhabo oo fariisin KMG ah u ah Dowladda Federaalka, halkaasi oo ay isku arkeen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi oo uu sheegay in ay ka aqbaleen in ay dowladda federaalka ka qeybgasho wada hadallada lagu dhexdhexaadinayo Maxkamadaha Islaamka.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).