Isniin,
Dadkan oo isagu jira kuwo qaadka ka ganacsan jiray iyo kuwo qaadka cuni jiray ayaa waxay sheegeen in ay magaalada muqdisho uga carareen kadib markii ay la soo gudboonaatay xaalad nololeed oo adag, gaar ahaana haweenkii Qaadka iibin jiray oo iyagu ku dooday in ay ka ganacsiga qaadka ku noolaayeen.
Laakin Ganacsatada Qaadka ee maciinka u doontay Magaalada Baydhabo ayaa waxaa soo wajaheysa caqabad ka heysata in aysan weli macaamiil ku yeelan magaaladaas oo ay horay u joogeen ganacsato deegaanka ah oo Qaadka ka baayac mushtarta.
Magaalada Baydhabo oo Muqdisho u jirta 240km ayaa waxaa kaaga xiran in aad tagto si aad u soo qayisho 200 kun Shillin Soomaali ah, markaas kadibna waxaad Baydhabo ka heleysaa qaad raqiis ah, halka Magaalada Muqdisho uu Marduufkii Qaad ah ka marayo Hal Milyan ama 85 Doollar oo weliba aan si caadi ah loo heleynin.
Muqdisho dadkii Qaadka cuni jiray ee haatan waayay waxay u kala baxeen kuwo iimaankooda dhuuqsaday oo Qaadkii iska daayay iyo kuwo isticmaala waxyaabo maskaxda ay ku sii daroogeeyaan sida Kaniiniga Farganka, Diyaasbamka iyo Ifidiriinka, halka kuwo kalena ay si aan caadi ahayn u cabaan Qaxwada ama Kafeega.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online