10 C
London
Sunday, October 12, 2025

Dagaal xooggan oo Ciidamada Maxkamadaha Islaamka iyo kuwo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira ku dhexmaraya Deegaano ka tirsan Degmada Jilib

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, December 31, 2006(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in uu dagal aad u xooggan uu ka dhex qarxay Ciidamada Maxkamadaha Islaamka iyo kuwa Dowladda Federaalka oo kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan ah.

Deegaano u dhow Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe ayaa lagu soo waramayaa in ay labada ciidan ku dagaalamayaan, isla markaana ay isku ridayaan Madaafiic aad u culus. Lama garanayo ilaa iyo haatan khasaaraha uu geystay dagaalka bacdamaa deegaanada uu dagaalka ka socdo iyo Degmada Jilib xitaa ay dadku ilaa saakay ka qaxayeen.

Dagaalkan ayaa qarxay kadib markii Ciidamo isugu jira Itoobiyaan iyo Soomaali ay weerareen Ciidamo ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka oo difaac kaga jiray Degmada Jilib iyo agagaaraheeda.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadaha Islaamka ayaa waxay magaalada Kismaayo ka sheegeen shalay in ay la dagaalami doonaan Ciidamada Itoobiyaanka ah ee soo galay dalka Soomaaliya, isla markaana aysan meelna uga bixi doonin dalka Soomaaliya, halka mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka iyo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya ay iyana sheegeen in aysan ka hari doonin Mas’uuliyiintii Maxkamadaha Islaamka ee Xamar isaga tegay.

Si kastaba arrintu ha ahaatee Dagaalkan ka dhex bilowday labada dhinac ayaa wuxuu u muuqdaa in ay Maxkamadaha Islaamka difaac ku jiraan, halka ay Ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa Dowladda Federaalka ay weerarka ka yihiin, waxaana xusid mudan in dagaalkii ka dhacay Gobolka Bay ay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka u muuqdeen kuwo difaac ku jira.

Wixii Warar ah ee ku soo kordha Dagaalka Jubadda Dhexe ka bilowday kala soco Hiiraan Online

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).