10 C
London
Sunday, October 12, 2025

Ra’iisal Wasaare Geedi oo shacabka Soomaaliyeed u sheegay in aysan Dowladda Federaalka u soo celin doonin Hoggaamiye Kooxeedyadii 16-ka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, December 31, 2006(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Hotelka Global ee magaalada Muqdisho ayaa shacabka Soomaaliyeed ka qanciyay tuhun ay qabaan oo ah in ay Dowladda Federaalka u soo celineyso Hoggaamiye Kooxeedyadii 16-ka Sano.

Ra’iisal Wasaare waxaa uu sheegay in Dowladda Federaalka soo dhaweysay Hoggaamiye kooxeedyadaas markii ay Maxkamadaha Islaamka Muqdisho ka ceyrsadeen, balse taasi aysan ahayn in ay raali ka ahayn wixii ay sameyn jireen.

“Ma dhici doonto in ay u dhaqmaan sidii hore oo ay hub sameystaan, isla markaana ay shacabka u awood sheegtaan”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Geedi oo carrabka ku adkeeyay in talada ay haatan ku soo wareegtay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed oo diyaar u ah in ay soo celiso sharcigii iyo kala dambeyntii.

Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi waxaa ka hadlay oo kale arrimaha hub ka dhigista , wuxuuna caddeeyay in ay dowladda meel gebo gebo ah marsiineyso qorshihii dadka Hubka looga dhigi lahaa, kaasi oo soo dhameystirkiisa qaadan doona labada maalmood ee soo socda.

Ra’iisal Wasaare Geedi waxaa uu ka rajeeyay Shacabka Soomaaliyeed intooda nabad iyo dowladnimo rabta in ay hubkooda geeyaan meelihii horay loogu tilmaamay oo kala Hiilweyne iyo Laanta-buuro, wuxuuna caddeeyay in ay mas’uuliyiinta hub ka dhigista lahaan doonto Dowladda Federaalka Soomaaliyeed.

Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi waxaa kale oo uu ka hadlay dhaawacyo dhawaan laga bixiyay Isbitaallada Muqdisho kadib markii ay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ay ku soo dhawaadeen Magaalada Muqdisho, wuxuuna tilmaamay in lagu soo wargeliyay in dhaawacyadaas ay haatan ku dandareysan yihiin Guryaha oo aanan lahayd adeegyada ay isbitaallada leedihiin, sidaas darteedna wuxuu ugu baaqay dadka dhaawacyada la baxay in ay dib ugu soo celiyaan Isbitaallada oo ay ka helayaan Dhaqaatiir, Kalkaaliyayaal iyo weliba Qalabkii daweynta.

Waxaa kale oo uu ka hadlay Prof. Geedi arrimo ku saabsan xoriyadda Saxaafadda wuxuuna sheegay in saxaafadda ay xor tahay,isla markaana aysan dowladdu caburineynin, hayeeshee saxaafadda qudheeda looga baahan yahay in ay sida wanaagsan ugu shaqeeyaan bacdamaa ay saxaafaddu tahay mindi af ah, “Waa in si wanaagsan oo dib u dhis ah loogu shaqeeyaa saxaafadda, halkii ay horay uga shaqeyn jirtay isku dir iyo in ay shidaal ku sii shubto colaadihii Soomaaliya ka holcayay”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Geedi oo carrabka ku dhuftay in ay wada shaqeyn yeelan doonaan oo ay isku xirmi doonaan Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaare Geedi ayaa shirkan jaraa’id qabtay kadib markii uu saakay Hotelka Global kulan kula qaatay Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka oo Muqdisho horay u sii joogay, iyadoo ka horna uu Ra’iisal Wasaaraha kulamo ula qaatay Siyaasiyiin, Aqoonyahanno, Oday Dhaqameedyo iyo Saraakiil Ciidan oo Muqdisho ku sugan, kuwaasi oo ay ka wada arinsanayeen sidii looga shaqeyn lahaa Ammaanka Magaalada Muqdisho.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).