Axad,
Degmada Jilib waxaa ku sugan difaaca Ciidamada Maxkamadaha Islaamka sidaas darteed ayayna dadka Degmada Jilib uga baqayaan in ay labada Ciidan ku dul dagaalamaan, waxayna dadka badankood u qaxeen Tuulooyin galbeedka kaga yaala Degmada Jilib oo laga xusay Cabdalla Kakane iyo Cowra-maleh.
Ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali isugu jiray oo ku sii jeeda deegaaanda Jubbooyinka ayaa shalay waxay gaareen Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana Ciidamadaas ujeedkooda lagu sheegay in ay daba joogaan mas’uuliyiintii Maxkamadaha Islaamka oo hataan laga soo sheegayo Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.
Mas’uuliyiinta Maxkamadaha Islaamka ee ku sugan magaalada Kismaayo ayaa waxay sheegeen in ay la dagaalami doonaan Ciidamada Itoobiyaanka ah ee soo galay Dalka Soomaaliya, wuxuuna Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed uu sheegay in aysan ka bixi doonin dalka Soomaaliya, isagoo dhinaca kalena Ciidamada Maxkamadaha Islaamka iyo Shacabka Soomaaliyeed meel ay joogaanba ugu baaqay in ay ka qeybqaataan difaaca Dalka iyo Diinta.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online