11.7 C
London
Monday, October 6, 2025

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo AFgooye tegay, Muqdishana ku sii jeeda

- Advertisement -spot_imgspot_img


Sabti, December 30, 2006(HOL):Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa hataan waxay ku sugan yihiin Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

 

Madaxweynaha oo diyaarad Helicopter ah ka soo raacay Magaalada Baydhabo ayaa wuxuu ku soo degay deegaanka Carbiska ee degmada Afgooye, kadibna wuxuu dhinaca dhulka ugu sii gudbay Magaalada Muqdisho, inkastoo ay jiraan warar kale oo  sheegaya in uu deegaanka Lafoole ku sugan yahay oo aysan Xamar u gudbin.

 

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi oo xalay Muqdisho ku hoyday ayaa waxay degmada Afgooye ku soo dhaweeyeen Madaxweynaha, waxaana la sheegayaa in madaxweynaha uu booqan doono goobo badan oo Magaalada Muqdisho ku yaala sida Villa Somalia, Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa Deegaanka Carbiska waxaa uu kulamo kula qaatay siyaasiyiin ay ka mid ahaayeen Cali Mahdi Maxamed, Maxamed Faarax Jimcaale, Xuseen Xaaji Bood iyo xubno kale, waxayna madaxweynaha isla soo qaadeen siyaasiyiintaas sidii loo xasilin lahaa dalka Soomaaliya.

 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf waxaa uu sheegay in aysan dowladdiisa shacabka Soomaaliyeed ku soo duulin, isla markaana aysan raadsaneynin, wuxuuna tilmaamay in ay dowladda dooneyso in ay dadka badbaadiso. Laakin waxaa uu sheegay Madaxweynaha inay dowladda  la dagaalami doonto argagixisada iyo kuwo aan nabad qaadaneyn oo uu ku sheegay in ay mayal adag yihiin, isagoo caddeeyay in la cafinayo ciddi Maxkamadaha ka tirsaneyn oo iyagu hubka iska dhigta.

 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf waxaa uu sheegay in uu ogyahay halka ay ku sugan yihiin Mas’uuliyiintii Maxkamadaha Islaamka, wuxuuna tilmaamay in ay joogaan Jubbada Hoose, hayeeshee uusan dooneyn in uu ka hordhaco waxa ay halkaas u tageen, walow uu carrabka ku dhuftay in ay halkaas la tageen hub iyo ciidamo aad u tiro badan oo ay xitaa ku jiraan kuwo Ajnabi ah.

 

Dhanka kalena, Waxaa degmada Afgooye ka dhacay dibadbax looga soo horjeeday Maamulkii Degmadaas ka talin jiray oo isagu dadku ay muujinayaan in aysan raali ka ahayn. Degmada Afgooye iyo deegaanada ku xeeran ayaa waxaa Maxkamadaha Islaamka ka hor ka talinayay Hoggaamiye kooxeed lagu magacaabo Xuseen Cali Wehliye Cirfo, kaasi oo haatan markii ay Maxkamadaha meesha ka baxeen isku dayaya in uu dib ugu laabto Degmada Afgooye.

 

Wixii warar ah socdaalka Madaxweynaha ku soo kordha kala soco Hiiraan Online

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).