13.4 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Madaxweyne Cadde Muuse oo difaaca Puntland kala shiray Ganacsatada Puntland

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, December 03, 2006(HOL): Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Jen. Cadde Muuse Xirsi ayaa ganacsatada ka soo jeeda deegaanada Puntland kulan kala yeeshay sidii ay uga qeybqaadan lahaayeen difaaca Puntland, iyadoo kulankoodaasna uu ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug oo hataan deegaano ka tirsan ay ku sugan ciidamo ka amar qaata maxkamadaha Islaamka.

 

Kulanka ay yeesheen Madaxweynaha iyo ganacsatada ayaan natiijadii ka soo baxday laga bixin wax faah faahin ah marka laga reebo in madaxweynaha uu ganacsatada u gudbiyay farriin ah in Puntland ay khatar ka soo wajaheyso dhinaca Maxkamadaha Islaamka oo inta badan la wareegay gacan ku heynta Gobollo ku yaala Bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya, iyadoo ay xusid mudan tahay in dhawaanahan ay beelo ka soo jeeda deegaanada Puntland ay sameysanayeen maxkamado Islaami ah.

 

Dhanka kalena, wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in ay habeenadan garoonka magaaladaas ay ka degayeen diyaarado aan la aqoonin waxa ay sidaan, kuwaasi oo ay dadka deegaanka ku qiyaaseen in ay ahaayeen diyaarado Itoobiya ka yimid. Maalmahan ayaa la sheegayaa in ay magaalada Gaalkacyo ku soo badanayeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo si caadi ah isaga dhex socda dadweynaha, iyadoo dadka qaarkiisna ay arrintaas ka xumaadeen.

 

Ciidamadan Itoobiyaanka ah ee la sheegayo in lagu arkayo Magaalada Gaalkacyo ayaa waxay meesha soo galeen kadib markii ay ciidamo ka tirsan Maxkamadaha Islaamka oo ku sugan deegaano ka tirsan Gobolka Mudug ay isku dhaceen ciidamo ka amar qaata Maamul Goboleedka Puntland iyo Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo isagu ka mid ahaa Hoggaamiye kooxeedyadii ay Maxkamadaha Islaamka Muqdisho ka soo ceyrsadeen.

 

Suxufi lagu magacaabo Maxamed Deeq Ciise Cumar ayaa Idaacadda Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho u sheegay in xaaladda Magaalada Gaalkacyo ay tahay mid aad u kacsan, isla markaana ay garoonka magaaladaas ka degayeen Ciidamo Itoobiyaan ah, kuwaasi oo uu qudhiisa indhahiisa ku arkay markii uu magaalada gudaha u galay.Saxafiga wuxuu intaas ku daray in diyaaradahaas ay ka degayeen garoonka ilaa shan habeen oo la soo dhaafay.

 

Socodka Dadweynaha ayaa inta badan la xakameeyay Magaalada Gaalkacyo, waxayna dadku ka walaacsan yihiin ciidamada Itoobiyaanka ah ee dulsabeynaya Magaalada Gaalkacyo, iyadoo dadka qaarkiis ay su’aal ka keenayaan cidda dib u celin doonta Ciidamada Itoobiya haddii ay meesha ka baxdo xiisadda ka dhex oogan maxkamadaha Islaamka iyo Maamul Goboleedka Puntland oo muddooyinkan dambe ku cel celinayay in ay Maxkamadaha Islaamka weerar ku yihiin deegaanada Puntland.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).