14.6 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Waa sidee xaaladda Degmada Diinsoor kadib la wareegiddii shalay ee Maxkamadaha Islaamka?

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, December 03, 2006(HOL): Degmada Diinsoor ee gobolka Bay ayaa la soo sheegayaa in ay dadka degan muujinayaan cabsi ay ka qabaan in uu halkaas dagaal ka dhaco, iyadoo maalintii shalay ahayd ay halkaasi gaareen ciidamo ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka, halka Dowladda Federaalkana la sheegayo in ay halkaas ciidamo u dirtay.

 

Degmada Diinsoor waxay ka mid tahay afar degmo oo ka tirsan Gobolka Bay, kuwaasi oo hoos yimaada maamul ay dhawaan Dowladda Federaalka Soomaaliyeed u sameysay, waana taasi ayaa la leeyahay sababta keentay in ay Dowladda Federaalka Ciidamo u dirto Degmadaas oo haatan ay ku sugan yihiin ciidamo ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka. Degmada Buur-kaba oo ay tirsaneysay Dowladda Federaalka ayay Maxkamadaha Islaamka sidoo kale la wareegeen, haatanna ay ka taliyaan.

 

Guddoomiyaha Maxkamadda Islaamiga Al-Bayaan Maxamed Ibraahim Bilaal ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed in ay u dirtay Degamada Diinsoor Ciidamo Itoobiyaan ah oo uu la socdo Wasiirka Tacliinta sare ee Dowladda Federaalka Xuseen Maxamuud Shiikh Xuseen, wuxuuna ugu baaqay Maxamed Ibraahim Bilaal in aysan Dowladda Federaalka dhibaato u horseedin dadka reer Diinsoor oo haatan nabadgelyo heysta, inkastoo dowladda Federaalka ay beenineyso in ay ciidamo u dirtay Degmadaas.

 

Maxamed Ibraahim Bilaal waxaa uu intaas ku daray in aysan u habooneyn in Wasiirrada ka tirsan Dowladda Federaalka ay xabasho horkacaan oo ay ku hoggaamiyaan meelaha ay maxkamadaha Islaamka nabadeeyeen, wuxuuna carabka ku dhuftay haddiiba dagaal dhaco in ay mas’uuliyadda arrintaas dusha u ridan doonto Dowladda Federaalka Soomaaliyeed.

 

Guddoomiyaha Maxkamadda Islaamiga Al-Bayaan Maxamed Ibraahim Bilaal  wuxuu sheegay in ay kula talinayaan Wasiirka Ciidamada hoogaaminaya oo u dhashay deegaanada Digil iyo Mirifle in uusan nabadda ay heystaan ka carqaladeeyo dadka Degmada Diinsoor oo uu sheegay in ay Maxkamadaha soo dhaweeyeen, isla markaana ay nabad rabaan, wuxuuna carrabka ku dhuftay in la arkay in aysan Amxaaro waxba tareynin, isla markaana aysan jirin cid ay wax ka qaadeyso.

 

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray Degmada Diinsoorna waxay sheegayaan in ay halkaasi xiisad ka soo cusboonaatay kadib markii ay ciidamada Dowladda Federaalka ku dhawaadeen deegaanada ay ku sugan yihiin Ciidamada Maxkamadaha Islaamka ee shalay la wareegay gacan ku heynta Degmada Diinsoor, waxayna taasi keentay in ay dadka deegaanadaas ay guryahoodii uga barakacaan cabsi dagaal darteed.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).