Jimco, December 29, 2006(HOL): Kadib markii ay dhawaan la wareegeen maamulka Gobalka hiiraan Ciidamo ka tirsan dowlada federaalka iyo waliba Cutubyo Ciidamado Itoobiyaan ah oo is garab sanaya ayaa hada waxaa ka soconaya Gudaha gobalka dhaq-dhaqaaq Saraakiisha Itoobiyaanku ku koontaroolayaan Xarumhii hore ee Ciidamada oo sida la sheegay la doonayo in ciidamada Itoobiyaanka iyo waliba kuwa dowladu fariisimo ka dhigtaan.
Saraakiil ka tirsan Dowlada Itoobiya iyo waliba kuwo soomaali ah oo wada socda ayaa gudaha magaalada B/weyn waxaa ay kormeer ku tageen Xerooyin ay ka mid yihiin, Xerada Lama-galaay oo hada ah mid ka mid xaafadaha magaalada B/weyn, iyo waliba xerada ku taalada Duleedka tuulada lagu magacaabo Ceel-gaal oo mar ay ku xareysnaayeen ciidomo loo tababarayay dowlada federaalka,
Gudaha magaalada B/weyn ayaa qeybaha ay tageen Ciidamada Itoobiyaanku waxaa ka mid ah Xeradii Daraawiishta oo hada ah Dugsi ay wax ku bartaan arday ka badan ilaa 1500, taasoo dadku ay walaac ka muujinayaan hadii loo baahdo in xero malatari laga sameysto.
Dhanaca degamda Buula- burte ayaa iyana wararka ka Imana waxaa ay sheegayaan in Saraakiisha Itoobiyaanku ay Kormeer ku sameeyeen Xerada lagu magacaabo Dab iyo dhaxag oo ah mid Bur bur weyni ka muuqdo.
Indha indheynta Saraakiisha Itoobiyaanka iyo Waliba kuwa soomaalida ah ee wada socda ayaa waxaa ay ku soo beegmeysaa Xili dhawaan dowlada Federaalku Calamadisay halka Gobal walba lagu xareynayo ciidamada jooga, halka warar kale oo soo baxayana ay sheegayaan goobaha hada la Indha Indheynayo ay noqon doonaan xarumo ay si ku meel gaar ah u sii dagi doonaan Ciidamada ka yimid Itoobiya Ilaa iyo inta ay ka dhameysanayaan Howl-galkooda gudaha soomaaliya.
Dhanka kale marka aad eegto Gudaha magaalada B/weyn ayaa sacaadihii ina dhaafay waxaa ay dadku ku dhaqan siweyn u hadal hayeen Isbadalka siyaasadeed ee dalka ka hana qaaday iyo waliba sida dhaqsida leh ee dowlada faderaalku awoodeeta ugu balaarisay guud ahaan wadanka, waxaana marka aad siweyn ugu guur gasho aragtida dadka kuu soo baxeysa in mar walba ay u heelan yihiin in ay arikaan Nidaamkii oo soo noqoda si kastaba haku yimaado’e, iyadoo dhanka kalana wax walba ka hor marinaya in la hanto nabad-galyada oo dadku ay soo xasuusanayaan sidii ay aheyd waqtigii ay dalka maamulayeen Golihii Maxkamadaha.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online