Jimco, December 29, 2006(HOL): Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo ka mid ah Hoggaamiye Kooxeedyadii ay Maxkamadaha Islaamka Muqdisho ka ceyrsadeen ayaa maanta dib ugu soo laabtay xaruntiisii Dayniile ee duleedka Magaalada Muqdisho.
Maxamed Qanyare oo xaruntiisa Dayniile lagu aas aasay Isbaheysigii La-dagaalanka Argagixisada ayaa wuxuu Muqdisho isaga tegay Bishii June ee sanadkan, xiligaas oo ay Maleeshiyooyin ka amar qaadanayay maxkamadaha Islaamka culeys saareen Xaruntiisa Dayniile.
Kadib Qanyare waxaa uu muddo gaaban ku sii nastay Magaalada Jowhar dabadeedna wuxuu u gudbay Tuulada Dirri oo ka tirsan Degmada Ceel Buur, taasi oo ah meeshii uu ku dhashay, sida uu isaguba sheegay.
Qanyare halkaasi kuma negaanin waxaana uga daba tegay Maleeshiyooyinkii Maxkamadaha Islaamka oo ka doonayay in ay ka soo qaataan Gaadiid Tikniko ah oo uu halkaasi ku heystay, iyadoo ay xusid mudan tahay in marka ay maleeshiyooyinka sii daba gelayeen uu Idaacadaha Muqdisho ka sheegay in uu towbad keenay haddii uu dembaabay.
Maxamed Qanyare Afrax oo ka mid ah hoggaamiyayaasha Soomaalida ee warkooda caddeysta marka ay hadlayaan ayaa loo ogolaan waayay in uu Tuuladii uu ku dhashay uu joogo, waxayna taasi ku kaliftay in uu tahriib kale sii galo, isla markaana uu ugu dambeyntii isku shubo fariisinka Dowladda Federaalka ee Baydhabo oo uu haatan ka soo guryo noqday.
Maxamed Qanyare Afrax oo si kulul u cambaareyn jiray siyaasadaha madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Cali Geedi waxaa ay meertadii siyaasadda u geystay raggii uu eedeyn jiray, walow taasina looga dawoobi karo in siyaasaddu aysan saaxib joogto ah lahayn.
Ugu dambeyntiina Maxamed Qanyare Afrax oo weli ah Xildhibaan ka tirsan Dowladda Federaalka waxaa u suurtageliyay Allaah ka sokow in uu dib ugu soo laabto xaruntiisa Dayniile Ciidamada Itoobiya oo dagaal ay la galeen maleeshiyooyinka Maxkamadaha Islaamka uu keenay in ay Xamar markooda isaga tagaan Hoggaamiyayaashii Maxkamadaha, gacan yarayaashoodii iyo weliba maleeshiyooyinkii ay Muqdisho ku qabsadeen, iyadoo Maxamed Qanyare la ogaa in uu si weyn uga soo horjeeday in ay dalka Soomaaliya soo galaan Ciidamo Itoobiyaan ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online