16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo sheegay in Ciidamada Itoobiya ee la socda ay amarkooda ku shaqeeyaan

- Advertisement -spot_imgspot_img


Jimco, December 29, 2006(HOL): Wasiir ku xigeenka gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Salaad Cali Jeelle oo maanta booqday goobo dhowr ah oo Magaalada Muqdisho ku yaala ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiyaanka ah ee la socda Ciidamada Dowladda Federaalka ay ku shaqeeyaan amarka Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, isla markaana aysan dhicin doonin in ay xadgudubyo geystaan.

 

Salaad Cali Jeelle oo maanta booqday Dekedda weyn ee Muqdisho, isla markaana ku dhawaaqay in ay furan tahay ayaa wuxuu sheegay in maamulka Dekedda uu hoos yimaado Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, ganacsataduna ay howlahooda si caadi ah uga wadan karaan.

 

Salaad Cali Jeelle oo sidoo kale kulan kula qaatay xarunta Gobolka Banaadir mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay dowladda Federaala cafis u fidineyso maleeshiyooyinkii Maxkamadaha Islaamka u dagaalamayay ee sida uu yiri la qalday, wuxuuna carrabka ku dhuftay in aan loo heystay wixii ay horay u geysteen balse loo qaban doono wixii xumaan ah ee ay haatan kadib la yimaadaan.

 

Salaad Cali Jeelle waxaa uu sheegay in ay Dowladda Federaalka si ammaanka dalka loo sugo ay muddo seddex bilood ah soo rogeyso xaalad deg deg ah oo dalka looga dhigayo mid si nabadgelyo ah la isaga gooshi karo, isla markaana ay Qaramada Midoobay iyo safiirrada Caalamka ay si caadi ah ugu shaqeyn karaan. Salaad Cali Jeelle wuxuu intaas ku daray in ay Ciidamada Dowladda Federaalka la wareegayaan marka ay magaalada soo wada galaan Xarunta Villa Somalia, Dugsiga Booliska, Taliska Booliska, Dekedda iyo Garoonka iyo weliba goobo kale oo dowladda ay muhiim u arkeyso.

 

Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga waxaa uu ka hadlay sicir bararka ku yimid maciishadda quutul daruuriga ah ee ay quutaan dadka Muqdisho, wuxuuna sheegay in ay taasi timid kadib markii ay Maxkamadaha Islaamka Muqdisho isaga baxeen.

 

“Ganacsatada Soomaaliyeed waxaan ugu baaqeynaa in ay shacabka u naxariistaan oo ay qiimo dhimis ugu sameeyaan maciishada, welibana ay hoos uga jebiyaan qiimihii hore”ayuu yiri Salaad Cali Jeelle.

 

Xoriyadda Saxaafadda iyo Abwaaniinta ayuu ka hadlay wasiir ku xigeenka, wuxuuna sheegay in ay saxaafaddu xor tahay, isla markaana uu Axdiga KMG ah ee u degsan Dowladda Federaalka uu qeexayo Xoriyadda Saxaafadda iyo weliba cabiraadda ra’yiga ee Abwaannada.

 

Booqashada uu Muqdisho ku tegay Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Salaad Cali Jeelle ayaa waxay suurtagashay kadib markii ay awooddii Maxkamadaha Islaamka meesha ka baxday, waxaase xusid mudan in ay Dowladda Federaalka Taangiyo Itoobiyaan ah keeneen Magaalada Muqdisho.

 

Dhanka kalena Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa habeenkii xalay ahaa waxay soo galeen qaar ka mid ah degmooyinka Magaalada Muqdisho, Ciidamo ka yimid dhinaca Wadada Balcad ayaa waxaa lagu arkayay Xaafado ka tirsan Degmooyinka Huriwaa iyo Yaaqshiid, halka kuwo kale ee dhinaca Wadada Afgooye ka soo galay iyana lagu arkay agagaarka Isbitaalka Banaadir, walow la sheegayo in ay ciidamadaasi yihiin kuwii Soomaalida, isla markaana ay Ciidamada Itoobiyaanka ku sugan yihiin duleedka Magaalada.



Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).