16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

Ra’iisal Wasaare Geedi oo Odayaasha iyo Waxgaradka Muqdisho ugu baaqay in ay maleeshiyooyinka geeyaan xerooyinka Hiilweyne iyo Laanta-buuro

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, December 28, 2006(HOL): Kadib markii ay  xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho ay gacantooda ka baxday Maxkamadaha Islaamka, isla markaana ay dib u soo noolaadeen maleeshiyooyin Beeleedyo qal qal gelinaya amnigii ay dadku heysteen ayaa waxaa hadal soo saaray Ra’iisal wasaare Cali Maxamed Geedi oo waxgaradka Muqdisho ugu baaqay inay xakameeyaan Maleeshiyooyinka hubka qaatay.

 

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Nuur Maxamed Diinaari ayaa sheegay in uu Ra’iisal Wasaare Geedi ugu baaqay Odayaasha Dhaqanka, Waxgaradka, Culumaa’udiinka iyo Haweenka in ay amniga Magaalada Muqdisho gacanta ku qabtaan, isla markaana ay maleeshiyooyinka Beelaha iyo hubkooda ay geeyaan Xerooyinka Hiilweyne iyo Laanta Buuro ee Gobollada Shabeelada Dhexe iyo Shabeelada Hoose.

 

C/raxmaan Diinaari waxaa uu sheegay in uu Ra’iisal Wasaare Geedi hadalkan soo saaray kadib markii ay hubkooda la soo baxeen maleeshiyooyinkii Maxkamadaha ka hor Muqdisho fowdada ka waday, wuxuuna caddeeyay in Odayaasha Beelaha laga doonayo in ay ammaanka sii adkeeyaan inta ay Dowladda Federaalka oo dhaqsi ugu imaaneysa ay ka soo gaareyso.

 

Hadalkan ka soo baxay xafiiska Ra’iisal Wasaare Geedi ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo magaalada Muqdisho ay gashay xaalad fowdo ah, isla markaana ay dadku muddo lix bilood ah kadib ay maqlayaan rasaas iyo madaafiic ay isku ridayaan maleeshiyooyinkii magaalada ku soo qamaamay iyo kuwii Maxkamadaha Islaamka.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).