Khamiis, December 28, 2006(HOL): Kulan ay qaateen Maamulka Degmada B/weyn iyo Waliba Culima’udiinka Ahlu-Suna Wal-jameeca, kana dhacay Xarunta Maamulka Degmada, waxaa siweyn looga wada hadlay xaalada Guud ee Gobalka iyo waliba Gaar ahaan Xarunta Magaalada B/weyn oo dhawaan ay la wareegeen Mas’uuliyiinta Maamulkii hore ee mar talada laga la wareegay.
Gudoomiyaha degmada B/weyn Aadan Cabdi Ciise (Garaaso) oo siweyn ugu Dheeraaday Qaabkii Maamul ee Maxkamadii Islaamiga ayaa sheegay in shacabka ku dhaqan Gobalka hiiraan si qasab ah sida uu hadalka u dhigay loogu keenay maamul aysan Raali ka aheyn iyada oo ayuu yiri loogu soo gabaday diinta Islaamka, waxaa uu intaa ku daray in uu la yaabo mar marka qaar marka uu maqlo dad oranaya Maxkamaduhu waxaa ay soo celiyeen amaanka, isagoo tilmaamay in dhinaciisa uusan arag wax lagu amaani karo Maxkamadaha.
Aadaan Garaaso waxaa uu intaa sii Raaciyay in ay jiraan Dhalin yaro yar yar oo Maskaxada laga xaday islamarkaana loogu baaqay sida uu sheegay Janada in ay galayaan kuwaasoo kaliya waxa loo hor seeday ay tahay ayuu yiri jab iyo halaag in ay kala kulmaan dagaalo aysan waligood ka qeyb qaadan.
Mar uu ka soo hadal qaaday sida Maamulku uu ka yeelayo dhalin yarada wali dhuumaaley saneysa waxaa uu sheegay in wixii hada ka danbeeya in dib ugu soo laaban karaan magaalada, kan dhawaaca ahna xitaa loo baahan yahay in la sheego si markaa loo daweeyo, waxaana uu ku baaqay in loo fidiyay dhalin yaradii dagaalka Cafis Guud.
Laakiin Aadan (Garaaso) waxaa uu soo hadal qaaday qeyb sida uu tilmaamay hadii gacanta lagu soo dhigo muteysan doona ciqaab adag waligoodna aan la cafin doonin, isagoo si guud u dul marayo cida kuwaa ay yihiina waxaa uu sheegay in la wada fahmi karo, “Waa kuma shacab kooda u keenay maamul iyo Nidaam Qalad ah islamarkaana cadawga ku soo hogaamiyay’ Ayuu yiri Garaaso.
Dhanka kale Gudoomiyuhu waxaa ugu baaqay Culimadii uu la kulmay in ay dadka wadiyaan una sheegaan waxa Xaqa ah, Anigu waa igu danbi in aan faro gashto diinta, laakiin waan fahan sanahay sida Xaqa iyo Baadilku kala yahay ayuu intaa sii Raaciyay, isaga oo dhanka kale kula dar daaramay Culima’da Ahlu suna wal-jameeca in Magaalada Xaafad Xaafad loo wacdiyo maamulkuna arintaa ku kor meeri doono.
Culimada Ahlu Suna Wal-jameeca ayaa ah kuwo sicweyn u taageersan nidaamka dowlada federaalka waxaa talada lagala wareegay xiligii ay maxkamaduhu la wareegeen gacan ku heynta guud ahaan Gobalka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online