16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

Golaha Maxkamadaha Islaamka oo sheegay in ay Degmada Buulo Burte ku weerareen Ciidamo Itoobiyaan ah

- Advertisement -spot_imgspot_img


Arbaco, December 27, 2006(HOL): Xoghayaha Guud ee Golaha Shuurada Maxkamadaha Islaamka Shiikh Maxamuud Shiikh Ibraahim Suuley oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Villa Baydhabo ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay Ciidamada Maxkamadaha Islaamka weerar ku qaadeen ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugnaa Degmada Buulo Burte ee Gobolka Hiiraan.

 

Shiikh Maxamuud Shiikh Ibraahim Suuleey waxaa uu sheegay in ay halkaas ku dileen ciidamo Itoobiyaan ah, wuxuuna carrabka ku dhuftay in uu weerarkaasi ahaa mid si xeeladeysan loogu qaaday Ciidamada Itoobiyaanka.

 

Inta dhibic dhiig ah jirkooda ay ku jirto ayuu sheegay Shiikh Maxamuud in ay dalka Soomaaliya ka difaaci doonaan Ciidamada Itoobiya, isagoo xusay in ay geeridu dhibeyso Ciidamada Itoobiya oo weerar ku soo qaaday Shacabka Soomaaliyeed.

 

Shirkan jaraa’id oo aanu Shiikha aad u faah faahin ayaa waxaa kale oo uu ku sheegay in aysan shacabka Soomaaliyeed u ogolaan doonin in ay Magaalada Muqdisho galaan Ciidamada Itoobiyaanka.

 

Maalintii shalay ahayd ayaa Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho waxaa ku sheegay in ay bedelayaan xeeladdii ay Ciidamada Maxkamadaha kula dagaalamayeen Ciidamada Itoobiya, wuxuuna caddeeyay in qaabka cusub ee ay u dagaalami doonaan Ciidamada Maxkamadaha uu noqon doono mid daba dheeraada oo ay xitaa dhici karto in uu sanado qaato.

 

Si kastaba Arrintu ha ahaatee, Shirka Jaraa’id ee ay Maxkamadaha Islaamka ku sheegeen in ay Degmada Buulo Burte ku weerareen Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa wuxuu ku soo beegmayaa wax yar kadib markii ay Ciidamo uu hoggaaminayay Maxamed Dheere oo kaashaanayay Ciidamo Itoobiyaan ah ay la wareegeen gacan ku heynta Degmada Jowhar, iyadoo weliba wararka Jowhar naga soo gaaraya ay sheegayaan in ay Ciidamada Jowhar gacan ku heynteeda la wareegay ay u dhaqaaqay dhinaca Degmada Balcad oo gobolka Shabeelaha Dhexe ka tirsan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).