Arbaco, December 27, 2006(HOL): Gudoomiyaha maamulka Gobolka Hiiraan oo mar kale dib Taladii Maamulka gobolka ula wareegay kadib Dagaal Qaraar oo dhax maray ciidamo Taabacasan iyo kuwo Itoobiyaan ah oo dhinac ka soo wada jeeda, iyo waliba kuwii Maxkamadii islaamiga Gobalka ayaa sheegay isaga oo jooga Degmada Buula- Burte in laga soo gudbay xiligii sida uu hadalka u dhigay Jab-hadaha wixii hada ka danbeeyana dowladu Maamuli doonto guud ahaan Dalka.
Yuusuf Dabageed oo u muuqday Ruux kal sooni badani ka muuqato ayaa HOL uga waramay Xaalada Dagaalka ay kula jiraan Ciiidamada Maxkamadaha iyo waliba sida uu u arko duqeyta Cirka ee Diyaaradaha Itoobiya, waxaana uu sheegay in Dagaalka socdaahi yahay mid lagu bad baadinayo Shacabka soomaaliyeed oo sida uu hadalka u dhigay Dalkooda lagu soo guray Ciidamo laga keenay wadamo shisheeye, Gaar ahaan waxaa uu carabka ku dhuftay in Soomaaliya ay ku sigatay in ay noqoto hoy Arga -gixiso,
Dhanka kale waxaa uu sheegay in duqeyta Cirka ee la sheegay in ay tahay mid ciidamada Itoobiyaanku ay beegsanayeen Qatarta kaga iman karta ciidamada Maxkamadaha laakiin isagu uu ku sheegay in ay yihiin Ciidamo loo abuuray gacan siinta danbiilayaasha caalamka, lakiin aysan jirin dhibaato shacabka ay u geysteen,
Mar ay HOL weydiisay su’aal aheyd cida loo Raacayo Dilkii Qof Rayid ah diraaraduhu ugu geystaan Gudaha magaalada B/weyn waxaa uu sheegay in arintaa ay tahay mid maamulka u taala lakiin aysan aheyn mid looga wada hadlayo Qalabka warbaahinta,
Waa la soo Afjaray ayuu yiri Xiligii dhalin yarada Lagu gumaadayay Magaca Diimeed ee u jeedooyinka kale xanbaarasanaa, waxaa uu intaa ku daray in arkay islamaraana la hayo dhalin yaro da’yar oo aan waligood Qori qaadan oo la soo dagaal galiyay,
Laakiin Gudoomiyuhu waxaa ka gaabsaday in uu ka jawaabo sababta uu ugu sii jeedo dhinaca shabeelada dhaxe maadaama Magaalada B/weyn hada ciidamada taabacsani gacanta ku hayaan.
Yuusuf Dabageed ayaa ugu danbeeyntii sheegay in Nidaamka dowliga ah uu shaqeynayo islamarkaana aysan jirin cid ka hor iman karta.
Dhawaan ayaa Gudoomiyihii hore ee Gobalka waaxaa uu dib ugu soo laabtay maagaalada B/weyn isaga oo ay gacan siinayaan ciidamo ka tirsan dowlada Federaalka islamarkaana ay gal-binayaan kuwo itoobiyaan ah oo ku hubeysan Hubka culus.
Dhanka kale Gudoomiyihii hore Maxkamada islaamiga Gobalka Hiiraan Shiikh Faarax Macalin Max’uud ayaa warar soo baxaya waxaa ay sheegayaan in uu wali ku sugun yahay qeybo ka mid ah Gobalka kadib markii ay go’doomiyeen ciidamada hor u sii dhaafay degmada Buula-burte, halka warar kalana ay tibaaxayaan in isaga iyo waliba ciidamo uu wato ay galeen Magaalada Muqdisho.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online