Arbaco, December 27, 2006(HOL): Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku kala qeybsamay go’aan ka qaadashada xaaladda Dalka Soomaaliya, kadib markii ay shalay shir isugu yimaadeen 15ka xubnood ee joogtada u ah.
Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa waxay murankooda kala qeybsanka keenay ka hor ay warbixin ka dhegeysteen Wakiilka Xoghayaha Guud eee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Francoisl Lonseny Fall, kaasi oo xubnaha golaha uga waramayay warbixinno uu ka soo uruuriyay dalka Soomaaliya iyo kuwa la deriska ah, gaar ahaan kuwa arrimaha Soomaaliya ku lugta leh.
Wakiilka Dowladda Qadar u fadhiya Qaramada Midoobay oo haatan ah Guddoomiyaha Wareegga ah ee Golaha Ammaanka iyo Qaar ka mid ah Wadamada Carabta ayaa ku dooday in loo baahan yahay in ay dowladda Itoobiya kala baxdo ciidamadeeda dalka Soomaaliya, halka 14-ka xubnood ee kale ee Golaha Ammaanka ay qabaan in ay taasi ka wanaagsan tahay in marka hore xabad joojin lagu dhawaaqo dabadeedna la furo wada hadallo abuurayo in Ciidamada shisheeye dalka Soomaaliya looga saaro.
Ku xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay u fadhiya Dowladad Soomaaliya Ciid Bedel Maxamed ayaa difaacay soo gelitaanka dalka Soomaaliya ee Ciidamada Itoobiya, wuxuuna sheegay in ay ciidamadaas ku yimaadeen dalabka Dowladda Federaalka.
Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa la filayaa in ay isugu yimaadaan maanta kulan kale oo ay uga fiirsanayaan go’aan ay ka qaataan xaaladda dalka Soomaaliya oo meel halis ah taagan, walow ay xubnaha Golaha Ammaanka ku kala qeybsan yihiin Arrimaha Dalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online