16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya oo sheegay in ay la dagaalanka Maxkamadaha u kaashanayaan Xitaa Yuhuud

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, December 27, 2006(HOL): Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda federaalka Soomaaliya Col. Barre Aadan Shire Hiiraale ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dagaallada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka kala dhaxeeya Ciidamada Maxkamadaha Islaamka, wuxuuna sheegay in ciidamada Dowladda Federaalka ay dagaalka uga awood roonaadeen kuwa Maxkamadaha, isla markaana ay ka saareen deegaanadii ay uga sugnaayeen Gobolka Bay.

 

Barre Hiiraale oo u waramayay Idaacadda Horn Afrik ee magaalada Muqdisho waxaa uu ka hadlay waxa bedelay mowqifkiisii ahaa in aan dalka Soomaaliya la keenin ciidamo shisheeye, wuxuuna sheegay in uu markii hore qabay fikir ah in ay tixgelinta koowaad leeyihiin Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed, balse ay taasi is-bedeshay kadib markii ay Maxkamadaha Islaamka argagixiso dhaqaale leh ay xiriir la sameysteen, isla markaana ay bilaabeen sida uu hadalka u dhigay in ay diinta ka been sheegaan, dadkana ay dhibaato ku bilaabaan.

 

Col. Barre Hiiraale oo ay Maxkamadaha Islaamka ka soo ceyrsadeen gobollada Jubbooyinka oo uu muddo sanado ah ka talinayay ayaa waxaa uu difaacay in ay Ciidamo Itoobiyaan ah u kaashadaan dagaalka ay kula jiraan Maxkamadaha Islaamka, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay xitaa Yuhuud u adeegsanayaan sidii dalka Soomaaliya looga saari lahaa wax uu ugu yeeray argagixiso ku sugan.

 

Wasiirka Gaashaandhigga waxaa uu ammaanay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo uu sheegay in uu uga hiiliyay niman sida uu yiri dadka laayay oo xaasaskoodi iyo caruurtoodii xiray, hantidoodiina dhacay, wuxuuna caddeeyay in uu Meles Zenawi yahay nin sokeeye ah

 

Col. Barre Aadan Shire Hiiraale oo intii uu ka talinayay Gobollada Jubbooyinka ka meer meerayay in uu ku shaqeeyo Xilka Wasiirnimo ee loo magacaabay ayaa waxaa jagadaas qabashadeeda uu u dhaartay kadib markii gacan ku heynta Kismaayo lagala wareegay, isla markaana uu iska xaadiriyay fariisinka Dowladda Federaalka ee Magaalada Baydhabo.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).