16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

Magaalada Jowhar oo ay la wareegeen gacan ku heynteeda Ciidamo ka amar qaata Maxamed Dheere

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, December 27, 2006(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in ay gacan ku heynta magaaladaas la wareegeen Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira, kuwaasi oo uu horkacayo Maxamed Dheere oo horay Gobolka Shabeelaha Dhexe uga talin jiray, inkastoo Ciidamada Itoobiyaanka la sheegayo inay weli magaalada banaanka ka joogaan.

 

Dagaalka Jowhar lagu qabtay oo saakay ka soo bilowday Killiga Shiina iyo Fiidow oo ilaa dhowr iyo afartan km u jira Degmada Jowhar ayaa madaafiicda la isugu adeegsaday waxaa laga maqlayay gudaha Magaalada Jowhar, iyadoo qaar ka mid ah dadka magaaladana ay shalay ilaa saakay ku jireen qax, iyagoo ka baqaya in ay waxyeello ka soo gaarto dagaallada labada ciidan u dhaxeeya.

 

Warar aan ka helnay dad lagu kalsoonaan karo oo Jowhar ku sugan ayaa waxay sheegayaan inay haatan magaalada Jowhar dhex socdaan Ciidamo ka amar qaata Maxamed Dheere, waxaana la leeyahay waxaa magaalada ka dhacay dagaal aan waqti badan qaadan oo ay ku dhaawacmeen dad rayid ah.

 

Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo horay uga talin jiray Gobolka Shabeelaha Dhexe balse ay maxkamadaha Islaamka talada kala wareegeen ayaa la sheegayaa in uu haatan u soo dhaqaaqay dhinaca Deegaanka Congo oo Magaalada Jowhar ka xigta dhinaca Magaalada Muqdisho.

 

Dadka Jowhar ayaa horay waxaa u waxyeeleeyay fatahaadda Webiga Shabeelle, waxayna ku jireen go’doon ka dhashay  biyo hareereeyeen, iyadoo meesha kaliya ee laga geli karana ay tahay waddada Laamiga ah ee isku xirta Xamar iyo Gobollada Dhexe.

 

Wixii ku soo kordha Xaaladda Degmada Jowhar kala soco Hiiraan Online

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).