Talaado,
Xildhibaan Cabdalla Xaaji Cali ayaa sheegay in dowladda Federaalka ku fashilantay wax ka qabashada wixii loo soo doortay ee ahaa dib u heshiisiinta iyo nabad ku soo dabaalidda dalka, wuxuuna sheegay in ay baaq ku jeedinayaan in ay dowladda is-casisho.
Xildhibaan Cabdi Cabdulle Saciid Jinni Boqor ayaa isaguna ka hadlay shirka Jaraa’id, wuxuuna sheegay in ay Dowladda Federaalka u ogolaatay dalka Soomaaliya Dowladda Itoobiya oo dano gaar ah ka leh dalka Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in Dowladda Itoobiya oo dooneysa in ay ka faa’iideysato Badda iyo Kheyraadka Soomaaliya ay ku marmarsiyooneyso in ay ogolaasho ka heysato Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Xildhibaanadan oo bogaadiyay Waxqabadka Maxkamadaha Islaamka iyo sida ay nabad uga dhigeen meelaha ay gacan ku heyntooda la wareegeen ayaa dhanka kale waxay ugu baaqeen Dowladda Itoobiya in ay isaga baxdo dalka Soomaaliya, isla markaana arrimaha Soomaaliya loo daayo iyaga dhexdooda.
Xildhibaanadan oo la sheego in ay dhan yihiin dhowr iyo Konton Mudane ayaa waxay isaga soo tageen Magaalada Baydhabo kadib markii sida ay ku doodaan ay Baydhabo u joogi waayeen si xor ah, isla markaana ay magaaladaas la wareegeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo aan ogoleyn cid ka soo horjeeda, iyagoo xusay in Xildhibaanada haatan Baydhabo jooga ay yihiin kuwo aan xor ahayn.
Dhanka kalena Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa iyaguna ka hadlay weerarrada ay ciidamada Itoobiya ku soo qaadeen dalka Soomaaliyeed, waxayna sheegeen in mas’uuliyadda dhibaatada ay geystaan ciidamada Itoobiya ay qaadi doonaan mas’uuliyiinta dowladda Federaalka ee Baydhabo jooga.
Xildhibaan C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay markii ugu horeysay taariikhda ay diyaaradaheeda duqeeyaan garoonka diyaaradaha Muqdisho, wuxuuna taasi ku tilmaamay ayaan darro ku dhacday dadka Soomaaliyeed.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online