Talaado,
Ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali ah ayaa waxay la sheegayaan in ay ka soo gudbeen Deegaanka Buur-weyn ee gobolka Hiiraan kadib markii ay saakay mas’uuliyiin Soomaali ah oo la socotay Ciidamada Itoobiyaanka ay u qudbadeeyeen dadka Degmada Buulo Burte.
Ciidamadan Itoobiyaanka iyo Soomaalida isugu jira ayaa dad saakay ku arkay Degmada Buulo Burte waxay sheegeen in ay wataan ilaa 50 gaadiidka dagaalka ah oo ay ku jireen Kaarayaal iyo Beebeyaal. Hoggaamiyayaasha Soomaalida ah ee la socda Ciidamada Itoobiyaanka ayaa laga magacaabay Maxamed Dheere oo ka talin jiray Degmada Jowhar, Cabdi Waal iyo C/qaadir Beebe oo ka mid ahaa Hoggaamiyayaashii Muqdisho iyo Yuusuf Daba-geed oo ah Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan.
Si kastaba arrintu ha ahaatee dadka Degmada Jowhar ayaa ku jira xaalad cabsi dagaal, waxaana meelaha qaarkood albaabada loo laabay goobihii ganacsiga, iyadoo ay jiraan dad alaabahooda kala baxay magaalada. Dadka Degmada Jowhar ayaa muddo shan sano ah waxaa xukumayay Hoggaamiye kooxeedka Maxamed Dheere, halka muddo lix bilood ku dhow ay ka talinayaan Golaha Maxkamadaha Islaamka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online