16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

Dowladda Federaalka oo sheegtay in ay Degmooyinka Diinsoor iyo Buur-Hakaba la wareegeen Ciidamadeeda

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, December 26, 2006(HOL): Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay Ciidamadeedu la wareegeen gacan ku heynta Magaalooyinka Diinsoor iyo Diinsoor ee gobolka, iyadoo taasina ay ku suurtagashay in  ay Ciidamada Maxkamadaha halkaas isaga baxeen.

 

Afhayeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Nuur Maxamed Diinaari ayaa sheegay in ay ciidamada Dowladda  Diinsoor la wareegeen, isagoo xusay in ay halkaasi ka taageen Calanka Soomaaliya, isla markaana ay ka fujiyeen sida uu hadalka u dhigay Calan ay leedahay Ereteraya.

 

C/raxmaan Diinaari waxaa uu sheegay in ay Buur-Hakaba Ciidamada Dowladda si nabadgelyo ah ula wareegeen, isla markaana ay halkaas dadka kula hadleen mas’uuliyiin uu ka mid yahay Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Salaad Cali Jeelle iyo kuwo kale oo ka tirsan Maamulka Gobolka Bay.

 

Afhayeenka Dowladda waxaa uu sheegay in ay Ciidamadii ka soo horjeeday ay u baqooleen dhinaca Daafeed, wuxuuna ugu baaqay Ciidamo shisheeye oo ku sugan dalka Soomaaliya in ay isaga baxaan.

 

Marka laga soo tago sheegashada Dowladda Federaalka ee ah in ay Ciidamadeeda la wareegeen Degmada Buur-Hakaba waxaa jiro warar kale oo sheegaya in ay saakay degmooyinkaas la wareegeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku hubeysnaa gaadiid dagaal oo ay ka mid ahaayeen Taangiyo iyo Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helicopters-ka loo yaqaano.

 

Dhanka kalena warar kale oo naga soo gaaraya Degmada Buur-Hakaba ayaa waxay sheegayaan in ay saakay diyaarado Itoobiyaan ah ay duqeeyeen deegaanka Leego oo u dhaxeeya Garoonka Balli-Doogle iyo Degmada Buur-Hakaba, iyadoo halkaasina aan laga soo sheegin wax khasaare ah oo ay ka geysteen.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).