16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

Ciidamo Itoobiyaan ah oo qabsaday Bandiiradley, Gelinsoor iyo Cadaado

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, December 26, 2006(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u hubeysan ayaa waxay la wareegeen gacan ku heynta Bandiiradley, Gelinsoor iyo Cadaado kadib markii ay halkaas dagaallo kula galeen Ciidamo ka tirsan maxkamadaha Islaamka.

 

Degmada Cadaado oo haatan ay ku sugan yihiin Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa waxaa la soo sheegayaa in ay halkaas ka geysteen xasuuq aad ba’an, iyagoo dilay dad lagu qiyaasay ilaa 54 ruux oo dad rayid ah ay ku jireen.

 

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa la sheegayaa in ay wehlinayaan Ciidamo ka amar qaata Cabdi Qeybdiid oo ka mid ah Hoggaamiye Kooxeedyadii ay maxkamadaha Islaamka Xamar ka ceyrsadeen.

 

Dowladda Itoobiya ayaa waxay u muuqataa mid dib u soo nooleyneysa Hoggaamiye Kooxeedyadii ay Maxkamadaha Islaamka kala wareegeen gacan ku heynta Deegaano badan oo ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

 

Dowladda Itoobiya waxay si cad u sheegtay in ay la dagaalameyso Maxkamadaha Islaamka Soomaaliya oo ay ku tilmaantay kuwo khatar ku ah dalkeeda iyo guud ahaan Gobolka Geeska Afrika, walow ay markii hore sheegi jirtay in aysan dalka Soomaaliya ka joogaan tababarayaal iyo la-taliyayaal mileteri.

 

Ugu dambeyntiina Mas’uul u hadlay Midowga Afrika oo lagu magacaabo Partric Mazimhaka ayaa sheegay in Dowladda Itoobiya ay ku saxsan tahay dagaalka ay ku qaaday Soomaaliya oo uu ku tilmaamay mid ay ku difaaceyso madax banaanideeda, isagoo caddeeyay in dalka kasta oo Adduunka ka mid ah uu xaq u leeyahay in uu iska difaaco cid kasta oo khatar ku ah.

 

Patric Mazimhaka waxaa uu sheegay in Dowladda Itoobiya ay horay ugu sheegtay Midowga Afrika in ay khatar ka soo wajaheyso dalka la deriska ah ee Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in Midowga Afrika uu ka gaabiyay in uu wax ka qabto xiisadda ka oogantay Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).