20.1 C
London
Monday, October 6, 2025

Dowladda Federaalka oo sheegtay in ay xirtay Xuduudaha Dhulka, Cirka iyo Badda Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, December 25, 2006(HOL): Dowladda Federaalka Soomaaliya ee fadhigoodu yahay Magaalada Baydhabo ayaa maanta waxay shaaca ka qaaday in ay xirtay dhamaan xuduudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaana xuduudaha Badda, Cirka iyo Dhulka.

 

Afhayeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Nuur Maxamed Diinaari ayaa sheegay in Golaha Wasiirrada oo maanta shir ku yeeshay Magaalada Baydhabo ay go’aan ku gaareen in la xiro dhamaan xuduudaha dalka Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in aysan halkaasi ka soo gudbi karin cid aan ogolaasho ka heysan Dowladda Federaalka.

 

C/raxmaan Diinaari waxaa uu sheegay in ay Dowladda Federaalka ka codsatay dowladaha la deriska ah iyo guud ahaan Beesha Caalamka in kala shaqeeyaan meel marinta go’aanka ay soo saartay.

 

Mar uu ka hadlayay Dagaallada ka socda Soomaaliya ayaa sheegay in dagaalkaas uu u dhaxeeyo Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka, isagoo kaalinta Dowladda Itoobiya ee dagaalladana ku sheegay gacan siinta Dowladda Federaalka.

 

C/raxmaan Diinaari waxaa uu sheegay in magaalada Beledweyne ay saakay la wareegeen ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo sheegay in ay dowladda aad ugu faraxsan tahay in markii ay Ciidamadooda la wareegeen gacan ku heynta Beledweyne ay halkaas ka taagtay Calanka Soomaaliya oo tan iyo markii ay Maxkamadaha Islaamka ka talinayeen Magaalada Beledweyne laga dejiyay Xarunta Gobolka.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).