20.1 C
London
Monday, October 6, 2025

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maxkamadaha Islaamka oo sheegay in ay Dowladda Federaalka xirtay Albaabadii wada hadallada

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, December 25, 2006(HOL): Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maxkamadaha Islaamka Prof. Ibraahim Xasan Caddow ayaa sheegay in ay dowladda Federaalka xirtay alabaabadii wada hadallada kadib markii sida uu yiri ay dalka Soomaaliya soo gelisay cadawga Soomaaliyeed.

 

Prof. Caddow waxaa uu sheegay in haddiiba ay wada hadallo gelayaan maxkamadaha Islaamka ay la hadlayaan Itoobiya oo haatan ay Maxkamadaha is-hayaan, wuxuuna intaas ku sii daray in ay Baydhabo fadhiyaan dad doonaya in ay dadka Islaamka ah ee Soomaaliyeed ay xukumaan Cadawgooda.

 

Prof. Ibraahim Xasan Caddow waxaa uu sheegay in uusan wada hadal jirin inta ay dalka Soomaaliya ku jiraan Ciidamo Itoobiyaan ah oo weliba la dagaalamaya Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay Itoobiyaanka kaliya la hadli karaan marka ay ka baxaan gudaha Dalka Soomaaliya.

 

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa isaguna wuxuu Maxkamadaha Islaamka ku tilmaamay in ay yihiin kuwo dagaal doonaya oo aan nabad rabin, wuxuuna sheegay in ay Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah mas’uuliyiinta sare ee Maxkamadaha Islaamka ay horay u dagaalamayeen tan iyo sanadkii 1992-kii.

 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf waxaa uu sheegay in ay mas’uuliyiinta Maxkamadaha Islaamka ay markii afaraad dagaallo ka wadaan dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay markii ugu horeysay ay dagaal ka rideen deegaano ka tirsan Puntland, mar kalena bariga Kilinka Shanaad ee Soomaalida, marka kalena deegaano ka tirsan Gobolka Gedo iyadoo haatanna uu xusay in ay midkii ugu dambeeyay ka wadaan deegaano badan oo koofurta Soomaaliya ka tirsan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).