20.1 C
London
Monday, October 6, 2025

Waaxda Amniga Maxkamadaha Islaamka oo Dadka Muqdisho uga digtay in ay sameeyaan dibadbaxyo aaney ogolaasho u heysan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, December 25, 2006(HOL): Qoraal ka soo baxay Waaxda Amniga Gobolka Banaadir ee Maxkamadaha Islaamka ayaa lagu sheegay in aysan jirin cid Muqdisho ku sameyn karta Banaanbax aysan ogolaasho uga heysan Waaxda Amniga Maxkamadaha Islaamka.

 

Taliye ku xigeenka Ciidamada Amniga Maxkamadaha Islaamka Daahir Maxamed Samatar ayaa sheegay in aaney u dulqaadan doonin ay Muqdisho ka dhacaan banaanbaxyo rabshado wata oo ay dhigayaan dad dano gaar ah leh oo doonaya in ay waxyeello u geystaan Hantida iyo Nafta Ganacsatada Muqdisho.

 

Hadalkan ay soo saartay Waaxda Ammaanka Maxkamadaha Islaamka ayaa wuxuu yimid kadib markii ay shalay magaalada  Muqdisho ka dhaceen dibadbaxyo rabshado watay oo dhagaxtuur iyo handadaad loogu geystay qaar ka mid ah ganacsatada Muqdisho, kuwaasi oo qaarkood goobahooda ganacsi iyo gaadiid ay wateen waxyeello loo geystay.

 

Taliye ku xigeenka waxaa uu intaas ku daray in ciddii lagu helo iyadoo sameyneysa banaanbax fowdo ah tallaabo laga qaadi doono, wuxuuna ugu baaqay waalidiinta in ay caruurtooda ceshadaan, isla markaana aysan u ogolaanin in ay ka qeybqaataan dibadbaxyada aan sharciga ahayn.

 

Taliye ku xigeenka Ciidamada Ammaanka Gobolka Banaadir Daahir Maxamed Samatar ayaa waxaa kale oo uu shacabka Soomaaliyeed u sheegay in aysan culeys u arkin howlgallo ay habeennadan ka wadaan waddooyinka Magaalada Muqdisho Ciidamada Maxkamadaha Islaamka, wuxuuna shacabka ka codsaday in ay Ciidamadaas u fududeeyaan howlaha nabad sugidda ah ee ay wadaan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).