Isniin, December 25, 2006(HOL): Diyaaradaha Itoobiya ee Miigagga ayaa saakay waxay duqeeyeen Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho, iyadoo halkaasina ay ku dhaawacmeen haween howlo nadaafadeed halkaasi ka waday.
G/lle Cabdi Cilmi Faarax oo ah Taliyaha Ciidamada Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa xaqiijiyay in ay diyaarad Miig ah oo joog hoose dhinaca Badda uga soo gashay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ay hal gantaal ku dhufatay halka ay Diyaaraduhu fariistaan, isagoo caddeeyay in ay kadibna dib isaga laabatay.
Taliyaha waxaa uu sheegay in ay garoonka yaaliin gantaallo lagu difaaci karo diyaaradahaas balse ay si gaadmo ah u duqeysay, wuxuuna caddeeyay in ay hadda kadib diyaar u yihiin in ay iska difaacaan diyaaradaha Itoobiyaanka haddii ay isku dayaan in ay mar kale duqeeyaan Garoonka Muqdisho.
Diyaaraddan oo guuxeeda laga maqlayay magaalada Muqdisho ayaa waxay dib ugu laabatay halkii ay ka soo duushay. Dadka Muqdisho ku dhaqan ayaa si weyn waxaa u cabsi geliyay diyaaradaha Itoobiyaanka ah ee duqeyntooda ay soo gaartay Magaalada Muqdisho oo fariisin u ah Maxkamadaha Islaamka.
Maalintii shalay ahayd ayay diyaaradaha Itoobiyaan duqeeyeen Hareeraha Magaalada Beledweyne, kadib markii uu halkaas dagaal xooggan uu ku dhex maray Ciidamada Maxkamadaha Islaamka iyo kuwo Itoobiyaan ah oo ay la socdaan Ciidamo kale oo Soomaali ah.
Duqeyntan ay diyaaradaha Itoobiya u geysteen Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi uu xalay shaaca ka qaaday in ay Ciidamada Dowladdiisa dagaal kula jiraan Ciidamada Maxkamadaha Islaamka oo sida uu yiri doonaya in ay dalka Soomaaliya qabsadaan kadibna ay u sii gudbaan Dalkiisa.
Wixii warar ah ee ku soo kordha arrintan kala soco Hiiraan Online
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online