20.1 C
London
Monday, October 6, 2025

Arday wax ka barata Machadka Maamul Horumarinta iyo Maareynta SIMAD oo sheegay in ay dagaalka ka qeybqaadanayaan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, December 24, 2006(HOL): Ardaydan oo maanta gudaha Machadka SIMAD ku qabtay isu soo bax ay ku muujinayeen sida ay uga xun yihiin dagaalka ay Ciidamada Itoobiya ku soo qaaday dalka Soomaaliya.

 

Ardaydan oo isugu jira Wiilal iyo Gabdho tiradoodu gaareyso 1500 oo Arday, isla markaana Machadka subax iyo galab kala dhigta ayaa waxay sheegeen in ay tegayaan furumaha dagaalka, isla markaana ay la dagaalamayaan Ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa Dowladda Federaalka ee wada socda.

 

Horjoogayaasha Ardaydan ayaa sheegay in aysan waxba u tareynin wax ay bartaan iyadoo dalka Soomaaliya ay qabsaneyso Dowladda Itoobiya oo aan ogolaan doonin marka ay dalka Soomaaliya qabsato in ay dadku gutaan waajibaadka Alle ee ay Salaadda ugu horeyso, sidaas darteedna waxay caddeeyeen in ay ka go’an tahay in ay dagaalka Ciidamada Maxkamadaha kala qeybgalaan.

 

Mas’uuliyiin u hadlay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ka mid yahay Ra’iisal wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa ugu baaqay Waalidiinta Soomaaliyeed ee Magaalada Muqdisho ku sugan in ay Ubadkooda ka ceshadaan in dagaalka la soo celiyo, isagoo sheegay in ay Ciidamada Dowladda Federaalka horay u qabteen Arday sheegay in la soo qalday.

 

Dhanka kalena, waxaa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho Banaanbaxyo iskood u abaabulmay, kuwaasi oo ay dhigayeen dad ka soo horjeeda dagaalka Cirka iyo dhulka ah ee ay Ciidamada Itoobiya ku soo qaadeen dalka Soomaaliya, iyagoo ku dhawaaqayay ereyo lid ku ah dowladda Itoobiya iyo Ra’iisal Wasaaraheeda Meles Zenawi.

 

Banaanbaxa ay Waddooyinka Muqdisho ku dhigeen dadka ka careysan weerarka ay Ciidamada Itoobiya ku soo qaadeen Dalka Soomaaliya ayaa mar kaliya wuxuu isu rogay rabshado, waxayna dadkii banaanbaxayay ay bilaabeen in ay dhagxeeyaan dad ku ganacsanayay Suuqa Bakaaraha, kuwaasi oo ay ku amrayeen in ay goobahooda ganacsi xiraan, isla markaana ay Jihaadka ka qeybqaataan.

 

Mid ka mid ah dadkii banaanbaxayay oo aad u careysnaa ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay Jihaadka ka qeybqaataan, isla markaana ay noqdaan Ciidamo ka tirsan Maxkamadaha Islaamka oo aan dooneynin in ay dalka Soomaaliya yimaadaan Ciidamo Itoobiyaan ah iyo weliba kuwo kale oo UN-ka iyo Caalamkaba ka socda.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).