Axad, December 24, 2006(HOL): Deegaanka Bandiiradley ee gobolka Mudug, Deegaanka Jawiil ee Gobolka Hiiraan iyo Deegaanka Deynuunaay ee
Deegaanka Bandiiradley ayaa dagaalka ka socda lagu soo waramayaa in uu u dhaxeeyo Ciidamo ka socda Puntland oo kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan iyo Ciidamada Maxkamadaha Islaamka, kuwaasi oo dagaalkooda uu ka dhacayo meel u dhaxeysa Deegaanada Bandiiradley iyo Seddex Xiglo.
Deegaanada gobolka Hiiraan ka tirsan ee ay dagaalladu ka qarxeen ayaa iyaguna lagu kala sheegay Jiracle, Beer Gadiid iyo Qabno, waxaana halkaas ku dagaalamaya Ciidamada Maxkamadaha Islaamka iyo kuwo kale oo ka amar qaata Maamulladii Shabeelada Dhexe iyo Hiiraan ee ay Maxkamaduhu talada kala wareegeen.
Shiikh C/raxiin Abuu Salmaan oo ka tirsan Mas’uuliyiinta Maxkamadda Islaamka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay Ciidamo Itoobiyaan ah weerar ku soo qaadeen, isla markaana ay dadka madaafiic ku ridayaan, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay Ciidamada Maxkamadaha ay difaac xooggan ku jiraan.
Deegaanka Deynuunaay ee Gobolka Bay oo shalay xaaladeedu ay deganeyd ayaa saakay waxaa ka socda dagaal aad u xooggan oo dhexmaraya Ciidamada Maxkamadaha Islaamka iyo kuwa Dowladda Federaalka oo kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan ah.
Dhamaan deegaanada ay dagaalladu ka socdaan weli nagama soo gaarin khasaare soo gaaray labada dhinac, sabab la xiriirta in uu dagaalku goor dhaweyd bilowday.
Deegaanka Idaale ee
Wixii warar ah ee ku soo kordha dagaallada ka bilowday Bandiiradley, Jawiil iyo Deynuunaay kala soco Hiiraan Online
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online