Sabti, December 23, 2006(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo, isla markaana ka hadlay dagaallada u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka ayaa shaaca ka qaaday in dagaalkii ka dhacay nawaaxiga Diinsoor ay ka qeyb-qaateen Dagaalyahanno Ajnabi ah oo afar kun oo nin kor u dhaafaya.
Ra’iisal Wasaare Geedi waxaa uu sheegay in dagaalyahannadaas ay khasaare kala kulmeen ciidamada Dowladda Federaalka, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay rag Suudaaniyiin iyo Eretereyaan ah ay halkaas ku dhinteen, kuwaasi oo caddeyntooda la hayo.
Sidoo kalena dhinaca Buur-Hakaba ayuu ku eedeeyay Maxkamadaha Islaamka in ay ka gesteen xadgudubyo Bani’aadannimo oo isugu jira Dil, Kufsi iyo Dhac, wuxuuna intaas ku sii daray in meelaha ay tagaan dhamaantood ay xoog ku tagaan, isla markaana aysan jirin meel looga yeertay.
Prof. Cali Maxamed Geedi waxaa uu sheegay in aysan mas’uuliyadda khasaaraha ka dhashay dagaallada kala dhaxeeya Maxkamadaha Islaamka aysan qaadi doonin, wuxuuna caddeeyay in fariisimo ay leedahay dowladda Federaalka ay weerar ku qaadeen Maxakamadaha Islaamka iyo huwan la socota, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi waxaa uu intaas ku daray in aysan gacmaha laaban doonin dowladda Federaalka haddii ay Maxkamadaha Islaamka joojin waayaan weerarrada ay ku hayaan fariisinka Dowladda Federaalka, wuxuuna ka jawaabayay weydiin ahayd waxa ay yeelayaan haddii ay maxkamadaha Islaamka ka joojin waayaan weerarrada.
Waxaa uu sheegay Ra’iisal Wasaare Geedi in aan dad muslim ah lagu tilmaami karin dad leynaya Shacabkooda, wuxuuna caddeeyay haddii ay arrintaas ka waantoobi waayaan in ay dowladda Federaalka difaaci doonto Dadkeeda, Dalkeeda iyo Diinteeda.
Shirkan Jaraa’id ee uu qabtay Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalintii Afaraad uu dagaal xooggan ku dhexmarayo deegaano ka tirsan Gobolka Bay Ciidamada Maxkamadaha Islaamka iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo garabsanaya Ciidamo Itoobiyaan ah, tiiyoo ilaa haatan aysan jirin guul muuqata oo ay labada dhinac dagaalka ka gaareen marka laga reebo sheegashooyinkooda ka bad-badiska ah ee ay warbaahinta ku soo gudbiyaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online