Sabti, December 23, 2006(HOL): Warasaxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa lagu sheegay in Dowladda Itoobiya uu ka sii dhamaanayo dulqaadkii, kadib markii Maxkamadaha Islaamka ay soo wareereen Dowladda federaalka.
Warsaxaafadeedka ay soo saartay Dowladda Itoobiya waxaa lagu sheeagy oo kale in xaaladda dalka Soomaaliya ay ka sii dareyso, waxayna ugu baaqday Maxkamadaha Islaamka in ay dagaalka joojiyaan.
Dowladda Itoobiya waxay beenisay in ay dagaalka ku lug leedahay, halka ay Maxkamadaha Islaamka sheegayaan in dagaalka ay ku jiraan uu kala dhaxeeyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku soo duulay.
Dagaallo dhexmaray Ciidamada Maxkamadaha Islaamka iyo kuwa dowladda Federaalka oo kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa waxaa ku dhintay dad u tiro badan oo boqolaal lagu sheegay, halka ku dhaawacmeen kuna baro kaceen dad kale oo faro badan, waxayna dadka ka faalooda arrimaha Afrika, gaar ahaan meelaha ay xasaradaha ka oogmeen ayaa sheegaya in dagaalkan haddi uu sii socdo uu isu rogi karo mid ku baaha gobolka, waase haddii bey yiraahdeen ay dagaalka ku soo biirto Dowladda Eretereya oo iyadana gacan siineysa Maxkamadaha Islaamka.
Mas’uuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka iyo kuwa Maxkamadaha Islaamka ayaa Arbacadii aynu ka soo gudubnay waxay ballanqaadeen in ay xabadda joojinayaan, isla markaana ay ku laabanayaan wada hadalladii u socday, waxayna ballanqaadkaas bixiyeen kadib markii ay Baydhabo iyo Muqdisho kula kulmeen Mr. Louis Michel oo Midowga Yurub u qaabilsan Horumarinta iyo Gargaarka Bani’aadannimada.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray deegaanada ay isku horfadhiyaan Ciidamada Maxkamadaha iyo kuwa Dowladda Federaalka iyo Itoobiyaanka ayaa sheegaya in aysan saakay wax dagaal ah jirin, marka laga reebo rasaas ay labada ciidan fariisimadooda ka ridayaan, hayeeshee habeenkii xalay ahaa ayaa waxaa jiray dagaal xooggan oo ka dhacay deegaanka Idaale ee Gobolka Bay, inkastoo aan xaqiiqo rasmi ah laga heynin khasaaraha uu geystay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online