Sabti, December 23, 2006(HOL): Dhawaan waxaa tegay dalka
Wafdigaas ayaa markii ay gaareen dalka Yemen waxay kulamo la qaateen Madaxweynaha Dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax oo ay isla soo qaadeen arrimo ku saabsan Xaaladda Dalka Soomaaliya, gaar ahaan xiisadda ka dhex oogan dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka, iyadoo sidoo kalena ay halkaasi wafdiga Maxkamadaha heshiis ku wada saxiixdeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan.
Haddaba Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maxkamadaha Islaamka Prof. Ibraahim Xasan Caddow oo shalay dalka dib ugu soo laabtay, isla markaana ka mid ahaa wafdigaasi ayaa sheegay in ay dowladda Yemen kala soo hadleen arrimo badan oo ku saabsan dalka iyo dadka Soomaaliyeed, kuwaasi oo aan horay loogala hadli jirin.
Prof. Caddow waxaa uu sheegay in ay Dowladda Yemen kala hadleen Arrimo ku saabsan dadka Qaxootiga ah ee ku sugan dalka Yemen iyo sidoo kale maxaabiista ku jirta xabsiyada dalkaas, wuxuuna caddeeyay in ay Yemen ka codsadeen in ay dadkaas si wanaagsan ula macaamisho, “Mas’uuliyiinta Maxkamadaha Islaamka waxaa sharaf u ah in ay noqdaan kuwii ugu horeeyay oo madaxda Yemen kala hadla arrimo ku saaban dadka Soomaalida ah ee Yemen ku sugan, dadkii naga horeeyay ee horay ula kulmi jiray waxay weligood dowladda Yemen kala hadli jireen arrimo u gaar ah”ayuu yiri Prof. Caddow oo sheegay in ay dowladda Yemen arrinkaas si weyn u soo dhaweysay.
Sidoo kalena wuxuu sheegay Prof. Caddow in ay Dowladda Yemen isla soo qaadeen sidii la isugu furi lahaa albaabada ganacsi ee labada dal, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay dhawaan bilaaban doonaan ganacsi dhaafsi labada dal u dhaxeeya.
Ugu dambeyntiina Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maxkamadaha Islaamka Prof. Ibraahim Xasan Caddow waxaa uu sheegay in ay Dowladda Yemen ka wada hadleen arrimo ku saabsan Ciidamo Itoobiyaan ah oo dalka Soomaaliya ku soo duulay iyo weliba Ciidamo la doonayo in dalka Soomaaliya loo diro, wuxuuna intaas ku daray in ay Yemen u caddeysay in ay dhexdhexaad ka tahay arrimaha Dalka Soomaaliya, isla markaana ay ku dadaaleyso sidii la isu fahamsiin lahaa dhinacyada Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online