20.1 C
London
Monday, October 6, 2025

Qaramada Midoobay iyo Jaamacadda Carabta oo ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya Soomaaliya in ay dagaalka joojiyaan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, December 23, 2006(HOL): Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka codsaday dhinacyada ku dagaalamaya dalka Soomaaliya ee kala ah Maxkamadaha Islaamka iyo Dowladda Federaalka in ay dagaalka u dhaxeeya joojiyaan isla markaana ay wada hadalladii u socday ku laabtaan.

 

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee xilka ka sii degaya Mr. Kofi Annan iyo Xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanka ayaa waxay walaac ka muujiyeen colaadda ka dhex oogantay dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka, waxayna sheegeen in ay dagaallada labada dhinac u dhaxeeya ay dhibaato xooggan gaarsiin doonaan shacabka Soomaaliyeed oo markoodii hore ka cabanayay abaayo, daadad iyo deganaasho la’aan.

 

Jaamacadda Carabta ayaa iyaduna sidoo kale waxay dhinacyada Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka ugu baaqday in ay dagaalka joojiyaan, isla markaana ay wada hadallo ogolaadaan.

 

Wakiilka Jaamacadda Carabka u qaabilsan Arrimaha Afrika Mr. Samiir Xusni ayaa labada dhinac ee Soomaaliya ku dagaalamaya ugu baaqay in ay ka qeybgalaan wada hadallo ay Jaamacadda Carabta iyo IGAD qaban qaabinayaan oo bisha Janaayo ee soo socota ka dhici doona Magaalada Khartoum ee dalka Suudaan.

 

Ajendayaasha ay labada dhinaca ugu wada hadlayaan haddiiba ay Khartoum isugu tagaan ayaa waxaa ugu weyn arrimaha ammaanka iyo awood qeybsiga, walow ay jiri doonaan qodobo yar yar oo laga dhaqmi karo, kuwaasi oo ka imaan doona dhinaca Dastuurka.

 

Ciidamada ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka iyo kuwo kale oo taabacsan Dowladda Federaalka, isla markaana garabsanaya Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa waxay isku horfadhiyaan deegaano ka tirsan Gobolka Bay, iyadoo labada dhinac ee dagaalamayana ay sheeganayaan in ay dagaalka guulo ka gaareen.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).