Jimco, December 22, 2006(HOL): Dhaq-dhaqaaqa ka duwan kuwii horay loo arki jiray ayaa hada ka taagan Deegaanka Kala-Beyr iyo dhulka ku xeeran kadib markii sida ay sheegeen Mas’uuliyiinta ka tirsan Maxkamada Islaamiga gobalka hiiraan ay siweyn halkaa u soo galeen ciidamo ka amar Qaata Mas’uuliyiinta Maamulkii hore ee Gobalka oo sida Maxkamadu sheegtay Taageero ka helaya ciidamo ka Tirsan kuwa xukuumada Itoobiya.
Shiikh C/raxiin Abuu-Salmaan oo ah Taliyaha Ciidamada ku sugan Deegaanka Kala-Beyr ayaa sheegay in saacadihii la soo dhaafay si weyn loo dareemay dhaq-dhaqaaq u eg mid dagaal oo ay wadaan dhinaca ka soo horjeeda oo sida uu sheegay si weyn u soo buuxiyay dhanaca xadka, waxaana uu intaas ku daray Abuu-Salmaan in dhaq-dhaqaaqa jira uu yahay mid la xiriira Dagaallada ka socda Qeybo ka mid ah gobalka Bay, isagoo intaas ku daray in la doonayo sidoo kale in wajiga labaad ee dagaalka laga bilaabo Gobalka hiiraan,
Warka Shiikha oo u muuqday mid ka turjumaya heeganka arintaas ay ugu jiraan dhinacooda ayaa waxaa uu intaas ku daray in sidoo kale ciidamada Itoobiyaanku ay ku amreen dadka ku nool goobaha ay soo buuxiyeen in ay halkaa isaga guuraan si aysan wax yeelo uga soo gaarin dagaal dhaca,
Halka lagu magacaabo Qabno oo wax xoogaa u jirta deegaanka Kala-beyr ayaa warar lagu kal soonaan karo waxaa ay sheegayaan in iska hor imaad aan badneyn uu ku dhaxmaray ciidamada Maxkamada iyo waliba dhinaca ka soo horjeeda kadib markii ay is arkeen labo ciidan oo sida la sheegay ilaalo ahaa.
sacaadihii aynu soo dhaafnay ayaa waxaa jiray in dareenka dadka ku dhaqan Gudaha gobalka uu siweyn ugu sii jeeday dhinaca Deegaaka Kala-Beyr oo hada la oran karo mar colaad ayaa laga filan karaa, waxaana dadku ay siweyn uga hadlayaan waxa ka iman kara dagaal xiligan laysku faro saaro Gudaha gobalka, waliba xili dadku la dhacaa ku fayo dahiilkii ay ka dhaxleen Fatahaadii uu sameeyay Wabiga Shabeelle.
Wixii ka dambeeyay dagaallada wali ka sii soconaya Qeybo ka mid ah
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online